Sudan oo diidey dalab ku aadan xiriirka Israel kana yimid Mareykanka

Image

KHARTUUM, Sudan – Suudaan diyaar uma ahan in la isla xiriiriyo in laga saaro liiska Mareykanka ku shabadeeyay ee ah in ay maalgeliso argagixisada iyo cilaaqaad ay la yeelato Yahuuda, sidda uu sheegay ra'iisul wasaaraha.

Dhawaqa Cabdalla Xamduuk ayaa yimid xilli illo wareedyo ay xaqiijiyeen in saraakiil ka tirsan Washington oo la kulmay madaxda Khartuum ay hor-dhigeen shuruud ah in ay caadiyaan xiriirka ay la leeyihiin Isreal.

Liiskaas oo Sudan lagu daray mudadii uu xafiiska joogay Cumar Al Bashiir ayaa caqabad ku noqdey dowladda cusub ee ku meelgaarka ah gaar ahaan dhinacyadda qaan-dhaafitaanka iyo maalgelinta dhanka caalamiga ah.

Xamduuk ayaa wariyey in bishii hore uu la kulmay Wasiirk Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, wallow uusan soo bandhigin fahfaahinta.

"Mawduuca ku saabsan xiriirka Yahuuda wuxuu u baahan yahay in si qoto dheer u eegto bulshadda," ayuu ka yiri shir jaraa'id oo dib u habeynta dhaqaalaha ku saabsanaa isla markaana uu ku qabtay magaala madaxda waddankaas.

Madaxweyne Donad Trump ayaa soo agaasimay wax uu ugu yeeray "Heshiiska Qarniga" kaasoo Imaaraadka iyo Barxeyn ku caadiyeen xiriirka Yahuuda.

Diidmada cad ee Suudaan ayaa kusoo hagaageysa xilli carro xoogan ay Falastiiyiinta ka muujiyeen talaabooyinka Imaaraadka iyo Baxreyn, iyagoo ku dhaleceeyeen Ururka Jaamacada Carabta in uusan wali talaabo ku dhiiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM