Uganda oo askar horleh u soo dirtay Soomaaliya

Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda – Dowlada Uganda ayaa Arbacadii waxay ciidamo tiradoodu gaareyso 1,714 u soo dirty Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Howlgalka Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo magaca AMISOM.

Leopold Kyanda, taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda, ayaa soo sagootiyey askartan oo ka tirsanaa Guutadda 31aad. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay mas'uuliyiin kale iyo diblumaasiyiin.

Isaga oo la hadlayey askarta kahor inta aysan soo dhoofin, Gaashaanle Sarre Kyanda ayaa ku booriyey in ay waajibaadkooda u gutaan si hufan xusuusiyeyna in xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay Afrika.

Dowladda Soomaaliya iyo iyo Midowga Afrika ayuu uga mahadceliyey in ay fursad u siiyeen waddankiisa in uu qeyb ka noqdo dedaaladda la doonayo in lagu soo afjarayo waayaha iyo weeraradda Al-Shabaab.

"Doorkiina wuxuu qeyb ka yahay yoolka Uganda ee Pan-Africanism-ka. Waa in aad ka dhowrsanaataan musuqmaasuqa. Waa aad caafimaadkiina ka ilaalisaa Covid-19 iyo AIDS-ka," ayuu u sheegay askarta.

Ciidamadan ay Uganda soo dirtay ayaa ah kuwa dhowaan tababar loosoo xiray, waxaana furimaha dagaalka Soomaaliya ay u noqon doonan waaya aragnimadooda koowaad ee iska hor-imaadka.

Uganda ayaa ku jirta dowladaha lagu aas-aasay howlgalka AMISOM kaasoo in ka badan tobban sano ku sugan Soomaaliya, waxaana qorshuhu yahay in ay hayaamaan kadib doorashooyinka xagaaga 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Sudan oo Wadajir uga Hor Yimid Biyo-xireenka webiga Niil ee dalka Itoobiya

Masar ayaa sanadkii hore joojisay wada-xaajoodyadii, iyada oo ku eedeysay Addis Ababa in aysan muujin doonin rabitaan siyaasadeed.

  • Afrika

    06-09-2025

  • 09:30AM

Abiy Ahmed oo Digniinna u Diray Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Hadalladan ayaa ku soo beegmay maalmo uun kaddib markii Taliyaha Diblomaasiyadda Militariga Itoobiya, Jen. Teshome Gemechu.

  • Afrika

    06-09-2025

  • 06:52AM