Ugu yaraan 117 Qof oo Ku Dhintay Fatahaad Xooggan oo Ku dhufatay dalka Nigeria 

Image

Ugu yaraan 117 qof ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen halka dad kale oo badan la la'yahay, kadib markii daadad xooggan ay burburiyeen kumannaan guri oo ku yaalla gobolka Niger ee bartamaha dalka Nayjeeriya, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan hay’adda gurmadka degdegga ah ee gobolkaasi, Jimcihii.

Tirada dhimashada ayaa si weyn u korodhay, iyadoo Khamiistii ay ahayd 21 qof, sida uu sheegay Ibrahim Hussaini, oo ah madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Gobolka Niger. Wuxuu intaa ku daray in in ka badan 3,000 oo guri ay daadku galeen, gaar ahaan laba deegaan oo ku yaalla gobolkaas.

Dalka Nayjeeriya waxaa inta badan ku dhufta fatahaado xilli roobaadka oo bilowda bisha Abriil.

Sanadkii 2022, Nayjeeriya waxa ay la kulantay daadadkii ugu xumaa muddo toban sano ka badan, kuwaasoo sababay dhimashada in ka badan 600 oo qof, barakicinta ku dhowaad 1.4 milyan oo qof iyo burburka 440,000 hektar oo dhul beereed ah.

Hussaini wuxuu sheegay in daadadka hadda dhacay ay bilaabmeen habeenkii Arbacada oo ay sii socdeen ilaa subaxnimadii Khamiista, iyadoo dad badan wali lagu la’yahay biyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM