Uhuru Kenyatta iyo Joe Biden oo wadahadal dhanka telefoonka yeeshay

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa Isniintii 30-ka November, 2020 wuxuu wadahadal dhanka telefoonka ah la yeeshay dhigiisa la doortey ee Mareykanka, Joe Biden.

Sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga, wadaxaajoodka labada mas'uul ayaa diiradda lagu saarey qadiyado heer caalami ah iyo kuwa gobolka khuseeya. Balse, lama soo bandhigin fahfaahinta.

Kenyatta ayaa la sheegay in uu wadahadalkaas uga faa'iideystay in uu hambalyo toos ah u gudbiyo Biden isagoo metelaya Kenya markii uu ku adkaadey doorashooyinka wadanka Mareykanka.

Biden ayaa la wariyey in uu guddoomay hambalyadda Uhuru muujiyeyna in uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka laba dal.

Uhuru iyo Biden, sidda uu daabacay Kenyans.com, waxay adkeeyeen taageerida qaxootiga cusub. Kenya waxay horey u soo jeedisay qorshe malaayiin ku baxeyso oo ay ku qaabileyso soogalooti cusub.

Soomaalida ayaa kamid ah dadka ugu badan ee qaxooti ahaan u taga Kenya iyagoo kasoo qaxaya coladda ka jirta dalkooda.

Kenya ayaa sidoo kale waxay weeraro argagixiso kal kulantaa dagaalameyaasha Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya. Nairobi waxay ciidamo ku leedahay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM