Waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Jabuuti?

Image

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Abdoulkader Houssein Omar u magacaabey inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, isagoo bedelaya Mahamoud Ali Youssouf oo bishii Febuary loo doortay Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika.

Wasiirka cusub ayaa horey usoo noqday safiirka Jabuuti ee dalka Kuwait. Waa diblomaasi mudo u shaqeynayay dowladda Jabuuti, waxaana uu kamid yahay shaqsiyaadka ku dhaw Geelle, oo kamid ah hogaamiyaasha ugu waqtiga dheer caalamka, oo kursiga ku fadhiyay tan iyo 1999-kii.

Mahamoud Ali Youssouf ayaa mudo dheer xilkan hayay, waxaana Jabuuti ka jira nidaam kaligii-talis ah, oo doorashadda uu kusoo baxo kaliya Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah shaqsi awoodda isku soo koobay, oo xubnaha mucaaradka ka sifeeyay dalka Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM