Wadahadalo ciidanka Kenya looga saarayo Soomaaliya oo bilaabanaya

Image

NAIROBI, Kenya – Wargeyska afka dheer ee Daily Nation ayaa maanta oo Arbaco ah baahiyey in maalmaha soo aadan ay bilaaban doonan wada-xaajoodyo ciidamadda Kenya looga saarayo gudaha Soomaaliya.

Monica Juma, wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhiga waddanka Kenya, ayaa hogaamin doonta wadahadalada oo aan la muddeyn.

Sidda ku xusan warbixinta jaraa'idka, Juma ayaa aaminsan in talaabadan ay hoos u dhigi karto weerarada maleeyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida.

Bixitaanka ayaa qeyb ka ah qorshaha leysku raacay ee kala guurka ah kaasoo ciidamada Soomaaliya loogu wareejinayo amniga dalkooda.

Hadii lagu guuleysto, tani ayaa soo gabagabeyn doona muddo sideed sano ah oo ciidamadda Kenya ay ku sugnaayeen ciida Soomaaliyeed.

Sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii ay ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya si ay u baajiyaan weeraradda ururka Al-Shabaab.

Milatariga Kenya ayaa kadib ku biiray howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee loosoo gaabiy magaca AMISOM, taasoo sharciyad siisey.

Sanadka 2021 ayaa qorshuhu yahay in ay ciidamadda AMISOM isaga hayaamaan waddanka, waxaana wadahadalada ay bilaabeyso Kenya ay imaanayaa iyaddoo xiisad ay u dhaxeysa Nairobi iyo Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM