"Waxaan Soomaaliya u tageyn colaada siyaasadeed ee dalka la degtay"

Image

ACCRA, China – Tababare Bashir Hayford ayaa markii ugu horeysay si furan wuxuu u sababeeyay ka tegistiisa Xulka qaranka kubadda Cagta Soomaaliya.

Isagoo wareysi gaar ah siiyey Ahomka FM, macalinkaan u dhashay Ghana ayaa meesha ka saarey in uu eryay xiriirka kubadda.

Intii lagu guda jira wareysiga, wuxuu caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu leeliyo koox kasta oo dooneysa in uu hogaamiyo.

Balse wuxuu gebi ahaanba go'aan cad ka qaatay in uu dib ugu laabto Soomaaliya, dal dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

"Waxaan go'aan-sadey in aan dib ugu laaban Soomaaliya maxaa yeelay colaada siyaasadeed taasoo Qaranka uu ku socdo, qofna ima eryin aniga," ayuu yiri.

Wuxuu xusay; "Waxaan diyaar u ahay in aan hogaamiyo koox kasta oo dooneysa in ay ila soo xiriirto".

Bashiir ayaa Soomaaliya ku hogaamiyey guushii ugu horeeyay dhacdada ugu weyn Kubadda Cagta Aduunka, sanado badan kadib.

Is-casilaadiisa ayaa dharbaaxo ku noqotay xiriirka kuabdda Soomaaliya oo kolkii hore lagu dhaliilay in uu kalsooni siin waayey tababareyaasha wadaniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM