Weerar lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Chad

Image

CHAD - Dabley hubaysan ayaa Arbacadii shalay xili fiid ah isku dayay inay xoog ku galaan xarunta madaxtooyada Chad ee ku taalla Caasimadda N’Djamena, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal ay ku dhinteen 18 qof oo weerarka soo qaaday iyo mid ka mid ah ciidamada ammaanka, sida ay dawladdu sheegtay.

Wariyayaal ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa maqlay rasaas ka dhacaysa agagaarka Madaxtooyadda, waxa ayna wadada ku arkeen taangiyo, halka laamaha amaanka ay sheegeen in rag hubeysan ay isku dayeen in ay gudaha u galaan dhismaha.

"Waxaa jiray 18 dhimasho ah iyo lix dhaawac ah" oo ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday "waxaa na soo gaaray hal dhimasho iyo saddex dhaawac ah, mid ka mid ah ayaa halis ah", afhayeenka xukuumadda iyo wasiirka arrimaha dibadda Abderaman Koulamallah ayaa yiri.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in kuwa weerarka geystay ay ka tirsan yihiin Boko Haram, balse Koulamallah ayaa markii dambe sheegay in “aysan ahayn weerar argagixiso, isagoo ku sifeeyay dableyda inay ahaayeen kuwo sakhraansan.

Waxa uu sheegay in ay weerareen afar ilaalo ah ka hor inta aysan galin aaga xarunta madaxtooyada, halkaas oo si fudud looga awood roonaaday, isaga oo intaa ku daray in dhagar-qabayaashii badbaaday ay ahaayeen "gabi ahaanba kuwa isticmaalay daroogo".

Dhacdada ayaa ku soo beegmaya iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Chad.

Dalka Chad oo aan bad lahayn ayaa ka jira xukun militari, waxaana ay la kulmaan weeraro joogto ah oo kaga imaanaya kooxda Boko Xaram, gaar ahaan gobolka galbeedka. Chad ayaa xuduud la leh Cameroon, Nigeria iyo Niger.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM