Weeraro ka dhan ah saldhigyada Mareykanka ee Afrika oo laga digay

Image

WASHINGTON, US – Labaatan kamid ah saldhigyadda Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa shiishka u saaran kooxaha doonaya in ay bartilmaameedsadaan, sidda ay muujinayaan dukumiintiyo sir kuwaasoo lasoo dusiyey.

Shabakaadda afka dheer ee VICE oo heshay dukumiintiyadaas ayaa waxay tibaaxdey in ay ka heshay saraakiil sarre kana tirsanaa ciidamadda Mareykanka kuwaasoo haatan ka fadhiistay shaqooyinka qaranka.

Saraakiishan ayaa ka gaabsaday in ay soo bandhigaan goobaha iyo wadamada ay ku kala yaaliin xerooyinka. Hase ahaatee, waxay hoosta ka xariiqeen in beegsigooda lagu weyn karo askar Ameerikaan badan.

Weerarkii Al-Shabaab ku qaadey xerada Manda Bay ee waqooyi barri Kenya kaasoo lagu dilay saddex Ameerikaan ah laguna gubay saanad ay diyaarado ku jiraan ayay xuseen in weerarada soo aadan lamid noqdan.

Sidda ku xusan dukumiintiyadda, weerarkaas oo dhacay iyaddoo sarre loo qaadey amniga saldhiga ayaa dhaliyey su'aallo ay kamid yihiin qaabka uu ku dhacay. Ciidanka Kenya waxaa lagu eedeeyay "in ay carareen".

Gaashaanle Donald Bolduc oo Taliska Mareykanka ee Afrika kamid ahaa intii u dhaxeysay 2013 illaa 2015, ayaa cod dheer wuxuu ku shaaciyey in askartooda ay u geeriyoonayaan siyaasad, qidad iyo farsamo xumo.
"Waxay u badan taha in weerar kale oo lamid ah midka Manda Bay uu ka dhici doono meel kale oo Afrika kamid ah," ayuu tibaaxay.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] oo xaqiijiyey in halistaan ay jirto ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah.

Qaylo-dhaantan ayaa kusoo hagaageysa xilli madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo in wadamo ay kamid tahay Soomaaliya ka saaro ciidamadda Mareykanka, wallow dowlada federaalka caddeysay inay kasoo horjeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM