Xanuun cusub oo ka dilaacay Kenya iyo dhimashadda uu sababo oo kordhaysa

Image

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa Jimcaha xaqiijisay laba kiis oo cusub oo cudurka mpox ah, taasoo tirada guud ee kiisaska ka dhigaysa 33.

Mary Muriuki, oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka, ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in kiisaska laga xaqiijiyay gobollada Kericho iyo Taita Taveta, isla markaana cudurku ku faafay 12 gobol.

Bayaanka ayaa sheegay in ilaa 225 qof oo lala xiriiriyay la aqoonsaday, iyadoo 216 ka mid ah ay galeen karantiilka lagu taliyay ee 21-ka maalmood ah. Sagaal ka mid ah dadka lala xiriiriyay ayaa laga helay cudurka mpox.

Sida ay sheegtay mas’uulka, dowladda ayaa xoojisay kormeerka iyadoo adeegsanaysa baaritaanada, diiwaangelinta, raadraaca iyo xaqiijinta astaamaha dadka cudurka laga helay. Waxa kale oo ay bilowday dadaallo lagu wacyigelinayo bulshada oo ku saabsan ka hortagga iyo xakameynta cudurka mpox.

Mpox, oo sababa fayras ayaa waxaa lagu gartaa qandho daran iyo nabro maqaarka ah wata, oo loo yaqaan vesicles. Sanadkii 2022, cudurkan ayaa ka dillaacay in ka badan 70 waddan oo caalamka ah.

Bishii Agoosto ee sanadkii la soo dhaafay, Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa cudurkan ku dhawaaqday inuu yahay xaalad degdeg ah oo caafimaad oo caalami ah.

Afrika gudaheeda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ah dalka uu cudurku ugu darnaa, iyadoo lagu soo waramayo in ka badan 49,000 oo kiis laga helay iyo 1,100 oo dhimasho ah, sida laga soo xigtay Xarunta Xakameynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM