Mudane: Dadka dambiyada u geysta jaceyl awgii waa lama taabtaan

Image

NAIROBI, Kenya – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa dalbadey in aanan waxyeelo oo geysan mucaashaqiinta jaceylka.

Joshua Kutuny ayaa ku waaniyey booliska in ay joojiyaan tacadiyadda ay u geystaan shaqsiyaadkaas, oo soo badanaya.

Mudanaha oo laga soo doorto Cherangany ayaa taas bedelkeeda soo jeediyey in daryeel iyo ka warqab loo sameeyo xubnahaas.

"Dhalinyaradda sidda uu qof walba u jecel yahay nolol fiican bey habeenkii u goobaan lamaantooda, marka booliska waa in uu ka fogaadaan waxyeeleentooda," ayuu ka sheegay meel fagaare ah.

Hadalka sharci-dejiyaha ayaa kusoo aadaya iyaddoo bilooyinkii lasoo dhaafay ay kordheen dhalinta dhibaatooyinka u geysanaya jaceylka.

"Raggaas waxaa lagu qasbaa in ay bixiyaan ganaax lacageed, taasna ma ahan wax la aqbali karo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Sikastaba, Kenya ayaa kamid ah dalalka qaarada Afrika ee ay ku badan yihiin fal-dambiyeedyadda burcadnimada ee da'yartu geystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM