Labada qorshe Villa Soomaaliya isku-dayeyso in ay ku qanciso maamulada

Image
Garowe Online ayaa fahansan in dowlad goboleedyada ay ka cagajiidayaan qorsheyaashan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa diyaarisay labo qorshe kuwaas oo ay isku-dayi doonta in ay madaxda maamuladda kaga ansixiso Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, sidda uu ogaaday Garowe Online.

Kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu waddaa in midkood caawa ama berri uu ka furmo magaalada Muqdisho iyadda oo madaxda ay soo wada gaari doonan caasimadda ugu dambeyn maanta oo Arbaco ah 2-da October 2024.

Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaan qeyb ka ahayn shirkan sababo ku aadan in aan wali xal waara loo helin is-mari-waaga u dhaxeeya maamulkan iyo Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan Xasan Sheekh.

Markii ugu dambeysay oo Deni uu ka qeybgalo shirkan waxa uu kusoo dhamaadey is-faham-waa. Kol dambe oo uu hadlay wuxuu caddeeyay inuu u diidey saxiixida war-murtiyeedka maadaama ay ku jiraan arrimo horseedaya muddo kororsi.

Qorshaha Villa Soomaaliya

Sidda uu fahansan yahay warsidaha GO, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda qaar ee maamulada miiska usoo saarey in ay ka ogolaadaan labo qorshe midkood; doorasho ku meelgaar ah ama muddo kororsi labo sano.

“Doorashada ku meelgaarka ah waa in maamulada ay galaan coddeyn uu kusoo baxaan hogaamiyeyaal xilka haynaya labo sano kadibna 2026-ka ay Xasan Sheekh la hirgeliyaan wax uu ugu yeeray codbixin dadwayne,” ayay illaha caddeeyeen.

Saddex illo wareed kale oo dhanka dowlad goboleedyadda ah waxay hoosta ka xariiqeen in Xasan Sheekh uu maamulada ka codsaday in ay qaataan muddo kororsi labo sano ah kadibna ay si wadajir ah u dhacdo doorashada federaalka iyo maamulada.

“Balse qorshahan dambe waxaa tuhun ka muujiyay madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda kuwaasoo ka dhex-arka dhimashooda ama in aysan aamini karo madaxweynaha iyo in madaxooda lagu gorgortamo,” ayay xuseen.

Abaabulka mucaaradka dalka

Tan iyo markii uu banaanka usoo baxay qorshaha Villa Soomaaliya iyo Xasan Sheekh, Muqdisho waxaa hareeray mowjado kulamo mucaarad kuwaas oo badankood looga soo horjeedo muddo kororsiga madaxweynaha xilka haya.

Qaar kamid ah Xildhibaanada hadlay waxay caddeeyeen in aysan marnaba ogolaan doonin muddo kororsi kale iyaga oo ka digay in ay tani horseedi karto isku-dhac hubyesan iyo waddanka uu lugaha la galo qalalaase siyaasadeed.

“Waa in aan wax ka baranno waayihii ina soo maray, kana fogaannaa xaalad la mid ah doorashadii 2020 oo sanadka iyo dhowrka bil dib u dhacday oo uu Madaxweynihii hore isku deyey in uu wareegto ku kordhisto muddo xileedkiisii, taasoo keentay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo dagaallo,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sikastaba ha ahaatee, cadaadiska beesha caalamka iyo dhamaadka muddo xileedka hogaamiyeyaasha – federaalka iyo maamulada – waxa uu qasbi doonaa shirka wadatashiga qaranka inuusan soo dhamaan natiijo la’aan baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mashruuca Xasan Sheekh: Qof iyo Cod mise Qof iyo Muddo Kororsi?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey uga dagaalamay hirgelinta doorashooyin dadwayne.

  • Faalada Warka

    04-10-2024

  • 09:07AM

Galka Sulub Axmed Firin: Xujadii Xamse Barre iyo Xaraashka Xasan Sheekh

Xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay ay isku-hayeen hogaanka dowladda federaalka.

  • Faalada Warka

    26-09-2024

  • 05:28AM