Xamse oo dabeyl siyaasadeed kusoo wajahneyd iska moosay

Image
Isku-shaandheynta la sameeyay ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay qeyb ka ahayd heshiis siyaasadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog ayaa sheegaysa in sababta ka dambeysay isku shaandheynta xukuumadda ee uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ay ahayd dadaal lagu doonayo in lagu fashiliyo mooshin ka dhan ah xukuumaddiisa, kaasoo qorshihiisu soo shaac baxay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa tilmaamay in magacaabista wasiirrada cusub ay qeyb ka tahay heshiis siyaasadeed oo lagu joojiyay mooshinkan, taasoo xoojinaysa taageerada Ra’iisul Wasaaraha ee baarlamaanka.

Sidoo kale tallaabada lagu soo celiyay Cilmi Maxamuud Nuur, wasiirkii hore ee Maaliyadda, ayaa si gaar ah loo fahamsan yahay inay qeyb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jiraa xisbiga madaxweynaha UPD.

Cilmi Nuur ayaa xilkiisa hore ku waayay eedeymo musuqmaasuq iyo khilaaf ka dhex dhacay Wasaaradda Maaliyadda, taas oo markii dambe lugaha la gashay Villa Somalia.

Afhayeenka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Jimcaale, oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxyar ka hor magacaabistaan, ayaa sheegay in isku shaandheyntan cusub ay kor u qaadayso hufnaanta iyo waxtarka shaqada xukuumadda.

Hadalkan ayaa si dadban uga hor imaaneysa taariikhdii hore ee eedeymihii musuqmaasuq ee loo soo jeediyay wasiirkii hore ee Maaliyada oo hadda loo magacaabey Wasiirka Howlaha Guud ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Muqdisho: Ma Ka daran dibi dhal baa mise Waan socon way-nee aan Oradno?

Falcelin kala duwan ayaa laga bixiyay qoraalka uu gabagabada Kulanka ka faafiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

  • Faalada Warka

    17-10-2024

  • 05:04AM

Muxuu isbaheysiga 2024 uga duwan yahay xulafadii 2018?

Masar iyo Eritrea ayaanan wax joogitaan ciidan ah ku lahayn gudaha Soomaaliya halka Itoobiya ay ciidamo badan ka joogaa gudaha waddanka.

  • Faalada Warka

    10-10-2024

  • 02:40PM