Boqolkii Maalmood ee Farmaajo, Maxaa u Qabsoomey Shacabka Somaliyeed?

Image

By Diraac S. Fagaase

Waa qormo aan ku qaadaa dhigayno waxa ka qabsoomay 100-kii maalin ee uu xafiiska fadhiyey madaxweyne Farmaajo. Sidaan ka war qabno madaxdu marka ay xilka raadinayso waxay sameeyaan balan qaadyo faro badan oo qaarkoodna ay ku darsadaan qorshayaasha mustaqbalka qaran iyo kuwo ay deg-deg u fuliyaan, halka qaarna ay ka tahay kaliya in codad ku kasbadaan. Waxaan jeclaystay inaan mid mid u soo qaato ballan qaadyadii ugu mihiimsanaa ee madaxweynaha wixii ka qabsoomay, wax ka qabyoobay iyo waxa aan ka qabsoomin.

1. La dagaallanka Musuq-maasuqa: Waa kalmad fudud dhihiddeeda laakiin u baahan in aad loo fiirsho waxyaalaha sababa musuq-maasuqa si loo siibo xididka gaaamuray ee biyaha ka dhigtay dhiigga shacabka Soomaaliyeed, caalamkuna nagu shaambadeeyeen inaan nahay bulshada  adduunka ugu musuq-maasuqa, beenta, khiyaamada iyo wax isdaba marinta badan. 

Muddadii yareyd ee uu joogay madaxweynaha waxaa uu dagaal adag ku qaaday la dagaallanka musuq-maasuqa. Waxaa markii kowaad taariikhada 30 sano kadib ay noqotay lacagta ku dhacday  Bangiga Dhexe ee Soomaaliya 40 milyan oo doolar. Waxaaa meesha ka baxday kalmaddii la oran jiray ciidanka raashinkiisa ayaa la aruurinayaa ee yaan waraaq lacag ku qoran tahay loo dirin Bangiga. Waxaa aad loo adkeeyey qaabka lacagtu uga baxdo khasnada dowladda. Waxaa muhiimadda la saaray arrimaha mudnaanta u leh dowladda in lagu bixiyo lacagta, balse waxaa wali laga takhalusin goobaha ay lacagtu ka soo xaroorto oo ay wali joogaan gafanayaalkii ku naaxay hantidana ka samaystay cashuurta laga soo aruuriyo shacabka, waase talaabo fiican mar haddii intii yarayd ee iyaga ka soo hartay la xakeemeyey.

2. Bixinta Mushaaradka: Mushaarka shaqaalaha iyo kan ciidanka ayaa noqday caqabado isdaba joog ah, iyada oo labaduba ay kabaan Bangiga Aduunka iyo Deeqbixyaasha caalamku, hadana waxaa markasta adkaata in la helo 40% oo ah qaybta uga soo aado dowladda. isugu gayn lacagta ka maqan shaqaalaha iyo ciidanka ayaa gaaraysa 7 bilood.

Dowlada cusub ayaa ku guulaystay ballan qaadkeedii ahaa joogtaynta bixinta mushaaraadka, waxaa ilaa hadda si joogta ah loo siiyey shaqaalaha bilihii Jannaayo-Maarso, waxaana bishaan gudaheeda la filyaa in Bisha April iyo May la qaato soonka ka hor si markaas ay joogto u noqoto mushaaraadka bilaha ah ee shaqaalaha. Waxaa dowladdu ballan qaaday in bixin doonto mushaaraadka ka maqan shaqaalaha ee sanadkii hore.

Wax ka qabashada Abaaraha: Dalka waxaa ku habsaday Abaaro aa noocda la arkin in mudo ah, waxaa dhamaaday xoolo badan, waxaa soo barakacay dad cayrtoobay, waxaa u dhintay gaajo iyo cuduro ka dhashay abaaraha dad aad u faro badan, waxaana dowladii hore ay ku mashquushay ololaha doorashada oo lagu bixiyey dhaqaalo baaxad leh oo lagu bad baadin lahaa dadka abaartu saamaysay.

Ra’iisul Wasaraha ayaa ka dhigtay ajendayaashiisa midka ugu horreeya wax ka qabashada abaaraha, waxaa u istaagay habeen iyo maalin sidii dadka abaaruhu saameyeen loogu gar-gaari lahaa. Waxay indhaha caalamka ku soo jeediyeen Abaaraha ka jira dalka, inkasta oo caalamku ka bixin jawaabihii loo baahnaa, haddana waxay dowladda cusub ay muujisay sida ay daacada uga tahay wax ka qabashada Abaaraha, waana ku aamanynaa.

3. Siyaasada Dibadda; Soomaaliya muddooyinkii danbe loolama dhaqmayn dal madax bannaan marka loo fiirsho arrimaha dibadda, waxaana noo muuqan jiray markasta in hoos loo dhigo maqaamka madaxda Soomaalida marka ay booqanayaan wadamada caalamka iyo kuwo dariska ah.

Madaxweynuhu safarkiisi ugu horeeyey wuxuu ku bilaabay Sacuudi Carabiya, waxaana loo sameeyey soo dhaweyn la mid ah kuwa madaxda caalamka. Waxa uu meesha ka saaray dhaqamadii madaxdeenna ee ay ka bilaabi jireen safarkooda ugu horreeya Itoobiya iyo Kenya. Waxaa xigay safarkii Kenya oo runtii ahaa mid soo hooyey guul kaddib markii labada madaxweyne isku raaceen in la joojiyey hakashadii diyaaradaha Wajeer, taas oo runtii aad loogu riyaaqay. Safarkii Turkiga oo aad mooday in madaxweynaha loogu soo dhaweeyey si ka duwan sida xataa madax caalamka loogu soo dhaweeyo Turkiga, wuxuuna soo helay ballan qaadyo waaweyn. 

Safarkii ugu danbeeyey ee Itoobiya ayaa ahaa mid xiiso leh. Tariikhda inta la xasuusto waa markii kowaad ee Calanka Soomaaliya lagu xardho inta u dhaxaysa garoonka iyo madaxtooyada. Waxaa garoonka nooga muuqatay soo dhaweyn ka baaxad ballaaran tii loo samayn jiray madaxdii hore. Waxaa madaxweynaha iyo Raysul Wasaraaha Itoobiya shirkoodii Jara’iid ku cadeeyeen in Soomaaliya hadda kaddib irrida laga soo galayo ay tahay Dowlada Federaalka oo ay meesha ka baxayso is bar bar yaacii horay u jiray.

4. Soo celinta Kalsoonida: Waxaa  markasta jirtay in shacabku ay ku qabaan  kalsooni aad u yar dowladda dhexe iyo maamullada gobollada oo aad uga shakisanaa dowladda dhexe, waxaana shirarka laysugu yimaado dhici jiray khilaaf iyo isjiid jiid badan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre waxay isla qireen in dowladdaan ay  tahay mid dadka u dhow, kana dhaxaysa. Waxaa shirar aan noocooda horay loo arkin la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaa xusid mudan in dowladda dhexe ay ku qancisay maamullada gobollada in shirka London lala tago hal Ajande kaas oo ay dowladdu gudbin doonto, halka marka shirarka caalami ah la isugu yimaado ay qolo walba warqado ay soo qoratay ay ka qaybin  jirtay shirka.

Maxaa noo qabsoomin Balanqaadyadii madaxweynaha?

Arrimaha Amniga: Amnigu waa meesha ay sartu ka quruntay waa arrinka kaliya oo qof kasta oo jooga Soomaaliya uu ku taamayo in la helo amni buuxa, gaar ahaan dadka jooga Caasimadda Soomaaliya, waa arin qof walba si gooni ah u taabanaya.

Waxaa xaaqiiqa ah in amnigu ka sii daray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay. Waxaa batay dilalkii, qaraxyadii, waxaana arinkaan ka dhashay habacsanaan badan oo dhanka amniga ah xilliga kala guurka lagu jiro iyo xiligii doorashooyinku socdeen intaba. 

Waxaa iminka socda tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga, kuwaas oo ay dowladu ku bilowday si taxadar ku jiro, sababtoo ah hadii aan la sixin nidaamka ciidamada kala duwan ee dowladda waxaa adag in amni wax laga qabto, waxaa socota howl balaaran dib u habayn loogu samaynayo ciidanka Nabadsugidda, Milateriga, iyo Booliska, waxaana ka rajaynanaa in arrimaha ammaanka lagu adkaynayo ay noo sahasho inaan nabad ku soono bisha Ramadaan. 

Balan qaadkii Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab: Madaxweyne Farmaajo ayaa balan qaaday dagaal balaaran oo dalka looga saarayo kooxda Alshabaab 6 bihaan aan ku jirno, taas oo markii ay soo baxday amakaag ay ku noqotay marka la fiirsho tabaabusha loo baahan yahay, dhaqaalaha ku baxaya dagaalka, ka qayb galin la’aanta ciidamda AMISOM, Abaabulka ciidamada jooga maamul goboleedyadda,  iyo kala firir sanaanta ciidamada, isla markiiba waxaa soo baxday dhaliil loo jeediyey madaxweynaha oo la leeyahay ma ahayn go’aan uu ka fiirsaday, waxaana dhicisooba balan qaadkaaas uu madaxweynuhu bixiyey.

Dhisidii Gollaha Wasiirada: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo aan ka mid ahayn hadal hayntii cida noqonaysa Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa muujiyey kalsooni uu isku qabo dalkaan bur burayna wax uga qaban karo, balse waxaa yaab ku noqotay shacabka Soomaaliyeed markii uu magacaabay ku dhawaad 70 golle Wasiiro ah, waxaana shacabka iyo dadka dowladda ka agdhow ka muujiyeen walaac faro badan qaabka ay u shaqyn karaan raxntaan wasiiradda ah, halka dhaqaale looga keenayo iyo qaarkood oo aan lahayn khibrad shaqo oo ay ku maamuli karaan dalkaan bur buray.

Wax ka qabashada wadooyinka xiran: Madaxweynaha waxaa uu balan qaaday in laysu furi doono magaalada, balse arinkaas waxba kama suurta galin, balse waxaa jirta wadooyin xaafadaha mara iyo kuwo muhiim ah oo sii xirmay boqolkii maalin ee la soo dhaafay, maxaa yeelay waxaa la magacaabay wasiiro cusub, mid walbana wuxuu sii xirtay wadooyin horay u furnaa, waxaana jira cabashooyin badan oo ka soo yeeraya shacabka ka ag dhow goobaha ay dowladu dagan tahay.

Waxaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha u rajaynaan guul iyo in ay ka soo dhalaalaan balan qaadkooda intaan suurta galin boqolka maalin ee la soo dhaafay.


Fikirka iyi aragtida qoraalkaan waxaa iska leh qoraaga magaciisu  ku xusan yahay mowduucaan. GO waxaa uu soo dhooweynayaa dhamaan soo gubinta maqaalada waxtarka u ah dib u dhiska dalka kuwasoo diirada saaraya wacyigalinta shacabka Somaliyeed

Related Articles

Booqashada Macron ee Jabuuti iyo Erdogan oo ku baaqay dhexdhexaadin ku saabsan Suudaan: Dhinac kale oo tartanka saameynta leh

Ka dib booqashadiisa Jabuuti, Macron ayaa u safraya Addis Ababa Sabtida si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

  • Fikradaha

    25-12-2024

  • 05:39PM

Soomaaliya iyo Turkiga: “Awooddeennu waa dunidan weyn oo aan cidlo ku noqonin”

Qormadan waxaa qoray Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

  • Fikradaha

    26-10-2024

  • 03:41AM