Caqabado noocee ah wajaheysaa xukuumadda Cumar Sharmaarke?
Hordhac:
December 18, 2014 (GO)- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay [Arbaco, Dec 17, 2014] waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud usoo magacaabay ra'isal wasaaraha cusub ee dalka, magacaabista Sharmaarke waxay timid 11 maalmood kadib markii Barlamanku kalsoonida kala noqday xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed.
Ra'isal Wasaaraha oo si kooban uga hadlay munaasabaddii Madaxweynuhu ku magacaabay ee ka dhacday madaxtooyada Muqdisho (Villa Somalia), wuxuu ballan qaaday in uu shaqada dowladda sii dardar gelin doono islamarkaana dhameystiri doono qorsheyaalka dowladda u degen kahor sanadka 2016.
Badi dadka taageersan ra'isal wasaaraha cusubi waxay qabaan inuu shaqadan kasoo dhalaali doono iyagoo qiil ka dhigaya inuu horay xilkaas u soo qabtay waayo aragnimo fiican u leeyahay islamarkaana aad ugu toog hayo xaaladda guud ee dalka.
Hadaba iyadoo ay sidaas tahay, waxaa jira su'aalo badan oo munaasib ku ah in xilligan lays weydiiyo ayna kamid yihiin: Sharmaarke maku guuleysan doonaa dardar gelinta shaqada dowladda? Maxay yihiin caqabadaha ka hor imaan kara xukuumadda la filayo in uu dhowaan soo dhiso? Sideese u wada shaqeyn doonaan isaga iyo Madaxweynuhu?
Dhismaha xukuumadda:
Inkastoo weli Barlamanku ansixin, qorshihiisa siyaasadeedna si buuxda aanu usoo bandhigin waxaa hadana la wada ogyahay in tallaabada koowaad ee ra'isal wasaaruhu qaadi doonaa tahay dhismaha xukuumadda. Sida dadka siyaasadda dalka u dhuun daloolaa saadaalinayaan, caqabadda ugu horeysa wuxuu Cumar kala kulmi doonaa dhismaha xukuumadda, labo si ayaana taas loo micneyn karaa:
(B)- Waa marka koowaade, maadaama marxalad adag lagu jiro, waqtigu kooban yahay shaqo badanna ay tahay in la qabto, waxaa khasab noqoneysa in Ra'isal Wasaaruhu xubnaha kamid noqonaya golihiisa wasiirrada kusoo xulo aqoon, karti, hawl-karnimo iyo waayo-aragnimo, wayna adag tahay in sahal lagu helo shaqsiyaad dhammaan sifooyinkaas buuxin kara.
(T)- Caqabadda kale ee dhanka dhismaha xukuumadda kasoo wajihi doontaa waxa weeye sidii uu ku qancin lahaa garabyada is diidan (Damul Jadiid iyo mucaaradka Damul Jadiid) oo dhinac kastaa u xusul duubayo in uu golaha wasiirrada qayb libaax ka helo.
Sida ilo-wareedyo Villa Somalia ka ag dhowi Garowe Online u xaqiijiyeen, waxaa jira xubno u badan kuwii ku jirey xukuumaddii hore oo Madaxweyne Xasan Sheekh shardi ka dhigay in lagu soo daro xukuumadda cusub.
Haddii uu ku guuleysto inuu soo xusho wasiirro tayo leh islamarkaana dhammaan dhinacyadu ku qanacsan yihiin, waxay taasi ka dhigan tahay in uu ku guuleystey tijaabada koowaad.
Shaqada oo badan iyo waqtiga oo gabaabsi ah:
Waqtiga dowladda Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyo u harsan waa 20 bilood, shaqada ay tahay in muddadaas lagu qabtana waa afar meelood saddex kamid ah hawlihii qorshuhu ahaa in lagu fuliyo afarta sano.
Hawlaha ugu muhiimsan ee ilaa iyo hadda aan wax la taaban karo laga qaban waxaa kamid ah: hirgelinta nidaamka federaalka, dhameystirka dastuurka iyo u diyaar garowga doorasho dhacda sanadka 2016.
Waxaan sidoo kele wax badan laga qaban dib u habeynta hay'adaha dowliga ah gaar ahaan hay'adaha ammaanka iyo maaliyadda.
Caqabadda ugu weyn ee soo wajahi doonta xukuumadda Cumar Cabdirashiid waa waqtiga oo aad ugu kooban iyo shaqada laga rabo inay qabato oo ka baaxad weyn dhammaan shaqooyinkii xukuumadihii tan ka horeeyey soo qabteen.
Caqabadaha kale ee jiri kara waxaa kamid ah sidii xukuumaddu dib ugu kasban lahayd kalsoonida beesha caalamka ku qabto Soomaaliya oo xilligan aan ahayn sidii ay sanad kahor ahayd.
Dhowaan ayaa la filayaa in Barlamanku Ra'isal Wasaare Cumar codka kalsoonida u qaado.
GAROWE ONLINE