Xasan Sheekh oo bilaabay xulashada Ra'iisul Wasaare cusub

Image

December 8, 2014 (GO)- Labo maalmood kahor Baarlamaanka Federaalku wuxuu kalsoonida kala noqday Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo isagu xilkaas soo hayey muddo sanad ah shaqooyin badan oo muhiim ahna soo qabtey.

Mooshinka Ra'iisul Wasaaraha lagu ridey oo dad badani qabeen inuu sharci darro yahay, waxaa dabada ka riixayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo saaxiibadiisa ay dhanka siyaasadda isku aragtida ka yihiin.

Ujeedada Cabdiweli Sheekh qobka mooska loogu dhigay waa cadahay, waxaana lagu soo koobi karaa inuu ka madax adaygay fulinta qorsheyaalka kooxda Damul Jadiid oo iyagu labadii sano ee ugu dambeeyey hor boodayey siyaasadda dalka aadna ugu haminaya inay awooda sii haystaan kadib sanadka 2016ka.

Xiligan oo la filayo magacaabista Ra'iisul Wasaare cusub oo soo dhisi doona xukuumad bedesha mida Sabtidii aqlabiyadda baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen, su'aasha koowaad ee badi dadka siyaasadda dalka u dhuun daloolaa is weydiinayaan ayaa ah " kumuu noqon doonaa Ra'iisul Wasaaraha cusub?

Waxaa sidoo kale in wax layska weydiiyo mudan, Ra'iisul Wasaaraha cusubi muxuu kaga duwanaan doonaa Cabdiweli Sheekh Axmed  oo isagu laf dhuun gashay ku noqday Xasan Sheekh iyo xulufadiisa siyaasadda?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo looga fadhiyo inuu ka jawaabo su'aalahan kor ku xusan, wuxuu durba bilaabay dadaal uu ugu jiro sidii uu kusoo xulan lahaa wasiirka koowaad ee xukuumadda imaan doonta.

La tashiyo badan ayuu la sameynayey 48dii saac ee lasoo dhaafay qaar kamid xildhibaanada baarlamaanka, siyaasiyiinta ka ag dhow madaxtooyada iyo weliba la-taliyeyaashiisa gaarka ah.

Rag dhowr ah oo kasoo kala jeeda Puntland, Jubaland iyo gobollada dhexe intooda badanna lagu tiriyo inay xubno firfircoon ka yihiin xisbiga Damul Jadiid ayey diiradu si gaar ah u heysaa, waxaana laga xusi karaa:

  1. Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka hadana ah safiirka USA.
  2. Siciid Cabdulaahi Maxamed (Dani), wasiirkii hore ee Wasaarada Qorsheynta.
  3. Bashiir Nuur Bidaar Looyaan, murashax ka qayb galay doorashadii madaxtinimada 2012.
  4. Xuseen Cabdi Xalane, wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada.

Xilligan oo dalku marxalad adag ku jiro marka laga eego dhanka ammaanka, dhaqaalaha iyo xiriirka caalamka, sheki kuma jiro in loo baahan yahay Ra'iisul Wasaare sii dardar geliya shaqada dowladda si loo dhameystiro qorsheyaalka dowladda u degen inay fuliso  kahor sanadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM