Madaxweyne Gaas oo ku wajahan magaalada Muqdishu

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan inuu maalinta Sabtida 23 Jan, 2016 ku wajahan yahay magaalada Muqdishu.

Safarkaan ayaa waxaa uu la xiriraa wadahadalkii looga arinsanyey in go'aan laga gaaro qaabka lagu soo xulayo xildhibaanada Barlamanka Federaalka kuwasoo dooran doona sanadkaan dabayaqadiisa madaxweynaha Somalia.

Kulankaan oo beesha caalamka ka dalbadey madaxda Somalida iney go'aan kaga gaaraan mustaqbalka siyaasdeed ee Somalia ayaa imnaaya xilli aan heshiis la shaaciyey laga gaarin qaabka loo soo xulanayo xildhibaanada Barlamanka aqalka hoose iyo sare.

Dhinaca kale wadahadlkaan ayaa beesha caalamka rabtaa in go'aan rasmiya uu kasoo baxo inta aan la gaarin kulanka golaha amaanka qaramada midoobey isugu imaanyaan 28 January,2016 kaasoo looga arinsanyo arrimaha Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa horey u sheegay in madaxweyne Gaas ka shaqeynayey inta aan kulanka Muqdishu la isugu imaan uu codsan doono in ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan Somalia kula kulmo Puntland.

Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa wareysi uu maalintii shaley 20 Jan,2016 siiyey idaacada VOA ku sheegey in aan Puntland aysan aqabalin in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Barlamanka Somalia sanadkaan gudihiisa.

Hadalka madaxweyne Gaas iyo qoraal kasoo baxey xafiiskiisa ayaa yimid xilli dadweynaha Puntland shaki badan ka muujiyeen qaabka xukuumadiisa u hageyso wadahadlka lagu gaarayo mustaqbalka Somalia kaasoo u muuqda mid aan laheyn go'aan cad oo la isku haleyn karo.

Ku qabashada wadahadlkaan magaalada Muqdishu ayaa imaanaysa sidoo kale iyadoo madaxda maamulka Jubaland u gacan haadiyaan in kulankaan markale lagu qabto magaalada Kismayo kuwasoo ku rajo weyn in heshiis madaxda Somalida ka gaari doonto qodobada la isku hayo.

GAROWE ONLINE kala soco wadahadalada lagaga xaajoonayo arrimaha Somalia.

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM