Adeerka Bin Salmaan oo reer galbeedka ugu goodiyey "jihaad"

Image
Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Riyadh iyo Reer Galbeedka uu gaarey meeshii ugu liitay.

RIYADH, Saudi Arabia - Isaga oo u jawaabaya reer galbeedka, Amiir Saud al-Shaalan ayaa lagu arkay muuqaal ku wareegaya baraha bulshada isagoo leh "qof kasta oo caqabad ku ah jiritaanka boqortooyadan, waxaan dhammaanteen nahay mashruucyo jihaad iyo shahiid ah". Amiirka ayaa la maqlayaa isagoo digniinta ku daraya luuqadaha Ingiriis iyo Faransiis.

Saud al-Shaalan waa hogaamiye qabiil oo uu awood u yahay Boqor Cabdulcasiis, aasaasihii Sacuudiga, sida uu sheegay u doodaha xuquuqda aadanaha Sacuudiga Abdullah Alaoudh.

Faragelintiisa ayaa timid iyadoo xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga uu meel xun gaaray kadib markii qiimaha tamarta kor u kacday ka dib duulaankii Ruushka ee Febraayo ee Ukraine, Washington waxay u ololaysay xubnaha ururka OPec+ ee saliidda, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, si loo kordhiyo wax soo saarka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bishii July u safray Boqortooyada Sacuudiga, inkastoo uu horay u ballanqaaday inuu Sacuudiga ka dhigi doono mid daba socda dilkii Jamal Khashoggi 2018, waxaana maamulkiisa uu warbaahinta u sheegay inay rumeysan yihiin in Sacuudiga uu sare u qaadi doono wax soo saarka.

Taa beddelkeeda, koror yar ayaa waxaa raacay go'aan usbuucii hore lagu dhimay wax soo saarka saliidda ee Opec + laba milyan oo fuusto maalintii, taasoo kor u qaadi karta qiimaha adduunka.

Xukuumadda Washington ayaa si kulul uga jawaabtay, iyadoo Sacuudiga ku eedeysay inuu Ruushka ka caawiyay sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta saaran ee dagaalka Ukraine.

Aqalka Cad ayaa Arbacadii sheegay in uu eegayo sidii uu Congress-ka ugala shaqayn lahaa qiimaynta xidhiidhka Washington iyo Riyadh. Sharci-yaqaannada ayaa soo bandhigay dhowr tillaabo, oo ay ku jiraan joojinta hubka laga iibinayo Sacuudiga iyo furitaanka Opec dacwadda Mareykanka taasoo cawaaqib xooggan horseedeysa unagana sii darta karta xaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM