Dowladda Turkiga oo Galmudug u fulinaysa mashaariic horumarineed

Image
Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa gaarey magaalada Dusmareeb.

DHUUSOMAREEB, Galmudug - Turkiga ayaa sahamin ku sameynaya mashaariic cusub oo maalgashi oo laga dhisayo maamul goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa markii ay gaareen magaalada Dusmareeb ee Caasimadda Galmudug waxa ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye iyo Golihiisa Wasiirada.

Waxa ay ka wada hadleen sidii loo hirgelin lahaa mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee dowlad goboleedka Galmudug iyo doorka maalgashiga Turkiga.

“Waxaan la yeelanay wadatashiyo wax ku ool ah oo ku saabsan tillaabooyinka loo qaadi karo taaba gelinta kaabayaasha dhaqaalaha ee loo baahan yahay horumarinta Galmudug iyo doorka maalgashi ee Turkiga ku yeelan karo geeddi-socodkan,” ayuu Aktaş ku yiri hadal ay soo saartay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya muddo dheer ayaa waxa uu maalgeliyay dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, isagoo sidoo kale bixiyay gargaar bani’aadanimo oo aad u badan.

Turkiga ayaa sidoo kale ku leh magaalada caasimadda ah ee Muqdisho xaruntii ugu weyneyd ee ay ku tababari lahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaris lagu bilaabay diyaarad milatari kusoo dhacdey Soomaaliya

Diyaaradan ayaa waxaa iska lahaa ciidamadda Uganda ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika.

  • Wararka

    22-09-2024

  • 10:11AM

Qaramada Midoobay oo baaq u dirtey hogaamiyeyaasha Soomaaliya

Codsiga Swan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda.

  • Wararka

    14-07-2024

  • 04:21PM