Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Image
Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar isa soo taraya ayaa ka dayrinaya xaalada caafimad ee hogaamiyaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Fahfaahinada qaar waxay tibaaxayaan in la dhigay isbitaal ku yaalla Faransiiska markii uu kusoo boodey xanuun.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in uu wanaagsan yahay Caafimaadka madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle kadib markii ay saacadihii lasoo dhaafay soo baxeen warar ka deyrinaya xaaladiisa.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa xaqiijiyay in Geelle uu dhibaato ka qabo jilibka midig balse ma bixin fahfaahin kale oo dheeri isaga oo dhaliilay “dadka geerida u saadiyay madaxweynaha”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM