Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Image
Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

LONDON, UK - Wiil Soomaali ah oo labo sano jir ah ayaa ka mid ahaa afar tahriibayaal ah oo ku dhintay iyaga oo isku dayayay in ay ka talaabaan Channel-ka English-ka kana soo talaabaan Faransiiska kuna sii jeedeen dalka Britain Sabtidii.

Cunugan yar ayaa ku neef qabatimay dooni ay saarnaayeen dad ku dhow 90 qof, taasi oo hoosta ka xariiqday khatarta sii kordheysa ee ka ganacsiga dadka ee gobolka.

Doonida uu la socday wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa soo wajahday cilad dhanka matoorka ah, taasi oo keentay qalalaase ka dhashay markabka.

Hay'adda Adeegga samatabbixinta Faransiiska ayaa ka jawaabay shilkan murugada waxayna badbaadiyeen 15 muhaajiriin ah kuwaasoo saarnaa doonta.

Ilmahan oo ku dhashay dalka Jarmalka oo ay dhashay hooyo Soomaaliyeed, ayaa waxaa laga soocay qoyskiisa ka hor inta aysan dadka tahriibin doonida ku qasbin, sida uu sheegay Pas-de-Calais Prefect Jacques Billant.

In kasta oo dadaallo samatabbixin ah, oo ay ku jiraan faragelinta dhakhaatiirta ka socota adeegga degdegga ah ee guurguura ee Faransiiska iyo adeegga soo kicinta badda, wiilka ayaa la sheegay inuu ku dhintay markabka badbaadada Abeille Normandie.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM