Afganistan: Taliban oo xayiraadyo horleh kusoo rogtay haweenka
KABUL, Afgaanistaan - Ilaalo hubaysan ayaa boqolaal haween ah da'yar ah ka joojiyay inay galaan xarumaha jaamacadaha Afganistan Arbacadii maalin kadib markii Taliban ka mamnuucay tacliinta sare.
In kasta oo ay damaanad-qaadeen markii ay xukunka la wareegeen 2021-kii, Taliban waxay xannibaado saareen dhammaan dhinacyada nolosha haweenka, iyagoo iska indhatiraya carada caalamiga ah.
Inta badan jaamacadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladduba way xiran yihiin dhawr toddobaad xilliga jiilaalka, in kasta oo xarumaha guud ahaan ay u furan yihiin ardayda iyo shaqaalaha.
Go'aanka haweenka looga mamnuucay jaamacadaha ayaa yimid goor dambe oo Talaadadii ah, sidda ay ku dhawaaqday Neda Mohammad Nadeem, wasiirka tacliinta sare.
Inta badan gabdhaha da'da yar ee ku nool gobolada kala duwan ee Afganistan ayaa horay looga joojiyey dugsiga sarre, iyadoo si ba'an loo xaddiday gelitaanka jaamacadda.
Ka dib markii Taliban ay la wareegeen taladda bishii Ogosto ee sannadkii hore, jaamacadaha ayaa lagu qasbay inay hirgeliyaan xeerar cusub oo ay ku jiraan fasallada iyo meelaha laga soo galo.
Haweenka ayaa loo oggolaaday oo kaliya inay wax baraan macalimiin isku jinsi ah, ama rag da' ah. Kooxda waxay go'aanadan ku fasirtey ka hortagga is-dhexgalka ragga iyo dumarka.
Daalibaan, oo ay weheliyaan hogaamiyaha ugu sareeya ee dhaqdhaqaaqa Hibatullah Akhundzada iyo wadaadadiisa hoose, ayaa ka soo horjeeda waxbarashada casriga ah, gaar ahaan gabdhaha iyo haweenka.
GAROWE ONLINE