Al-Shabaab oo weerar ka geysatay xadka Soomaaliya iyo Kenya
NAIROBI, Kenya - Haweeney ayaa ku dhimatay sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah gudaha Kenya, sidda ay warisay The Star.
Baabuurka ayaa la weeraray xilli uu maraayay wadada isku xirta Banisa iyo Mandheera ee ismaamulka Mandera. Gaariga waxaa saarnaa 12 qof markii, sida ay sheegeen booliiska iyo dadkii ka badbaaday weerarka.
Goobjoogeyaal ayaa intaas raaciyey in kooxaha weerarka geystay ay rasaasta ku fureen xilli baabuurka marayay inta u dhaxeysa degaanada Sarman iyo Olla. Rakaabkii kale ee saarnaa gaariga ayaa baxsaday iyagoo dhaawac ah.
Mas’uuliyiinta degaanka ayaa caddeeyay in ay ku arkeen aaggaas kooxo argagixiso ah oo qorsheynayay in ay weeraro qaadaan. Degaanku wuxuu ku dhow yahay xadka Kenya iyo Soomaaliya oo inta badan falalkan ka dhacaan.
Taliska Booliska Kenya ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinta majaladda, waxa uu sheegay in ay tuhunsan yihiin in kooxda weerarka geysatay ay bartilmaameedsanayeen gaariga afarta lugood leh.
Axadii, Janaayo 15, Al-Shabaab ayaa isku dayay in ay weerar abaabulan ka fuliyaan deagaanka Takaba iyaga oo beegsaday gaari kale oo PSV ah balse waxaa ka soo horjeestay bulshada muslimiinta ah ee deegaanka.
Cabsi laga qabo weeraro kale oo la qorsheynayo ayaa sababtay in dadka iyo ciidanka lagu booriyo feejignaan dheeri ah. Gobolka dhacan xuduudka ayaa xudun u ah falal amni darro oo aalaaba ay geysato kooxda Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE