Al-Shabaab oo weerartey dad u dabaaldegayay ciida masiixiga

Image
Dableyda falkan ka dambeysay ayaa la sheegay in ay baxsadeen kahor inta aysan la kulmin iska-caabin.

NAIROBI, Kenya - Labo ruux ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay toogasho ku dileen, dhowr gurina ay gubeen deegaan miyi ah oo ku yaalla dhulka xeebta dalka Kenya, sida ay sheegeen booliiska Kenya.

Weerarkan oo dhacay xilli dadka u dabaaldagayeen ciida masiixiga ​​ayaa laga soo wariyey deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu oo deris la ah keynta Boni.

Keynta Boni ayaa hay’adaha ammaanka Kenya waxa ay wadeen howlgal tan iyo sanadii 2015-kii si looga soo saaro maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya.

Dhulka howdka ah ee ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya si lamid ah deegaanada ku xeeran ayaa waxaa dhowr jeer oo hore weeraro ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Booliska ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ku soo duuleen tuulada Taa oo dhowr mayl u jirta goobta caanka ah ee loo dalxiis tago ee magaalada Lamu, waxaana ay si abaabulan u bartilmaameedsadeen guryaha.

"Dad badan oo tuulada ku noolaa ayaa orday oo ku dhuuntay duurka markii ay burcaddu ku soo dhacayeen guryahooda, dadkii badbaaday ayaa sheegay," ayuu yiri taliska booliska

Guddoomiyaha gobolka xeebta John Ellungata ayaa xusay in kooxaha weerarka soo qaaday ay habeennimadii soo weerareen tuulada balse ay iska caabiyeen ciidamada keydka ah ee booliiska Kenya kaddib markii ay israsaaseyn xooggan dhacday.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya todobaad uun kadib markii dabley Al-Shabaab ah ay weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Booliska Kenya, halkaasi oo ay ku dileen laba sarkaal iyo qof rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM