Askarigii Xildhibaanada ku dilay madaarka Jigjiga oo la xukumay

Image
Xukunadan noocaan ah ayaa aalaaba waxaa gudaha Itoobiya loo badalaa xabsi daa'im.

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee magaalada Jigjiga ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan ciidamada booliska federaalka Itoobiya oo lagu eedeeyay in rasaas uu furay ay sababtay geerida xildhibaan Juweria Subcis dabayaaqadii bishii October ee sanadkan 2022.

Xeerbeegtadda ayaa askariga ku heshay dacwadda lagu soo oogay ee ah in uu si ula kac ah u geystay fal dil ah, waxaana ay ku xukuntay dil toogasho ah sida uu dhigayo xeerka ciqaabta Itoobiya.

Juweria Subcis, oo ahayd xubin ka tirsan golaha dhexe xisbiga Barwaaqo ee talada haya iyo baarlamaanka dawlad deegaanka Soomaalida, ayaa lagu dilay gudaha gegida diyaaradaha ee Jigjiga Garaad Wilwaal 25-kii October.

Sidda ay sheegeen goobjoogayaal, askariga ayaa rasaas ku furay gudaha garoonka, waxaana ku dhintay Juweria Sub’is, waxaana ku dhaawacmay shan ruux kale.

Ka dib markii ay israsaasayn dhacday, booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku dhawaaqay in la xiray sarkaalka. Cabdirashiid Maxamed oo kamid ah golaha wasiirada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dhaawac halis ah kasoo gaaray rasaastaasi.

Maxamed ayaa ku andacoonaya in toogashada Juweria ay aheyd mid qorsheysan, isla markaana uu jiray khilaaf u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo xildhibaanada.

Juweria walaasheed, Fowsia Musse iyo wiilkeeda Musse oo 14 jir ah ayaa sidoo kale waxaa soo gaarey dhaawac. Fowsia ayaa ku noqotey Maraykanka iyadoo wadata labadeeda carruur.

Gudaha Itoobiya, ciqaabta dilka ah waxaa lagu fulin karaa oo keliya marka ogolaanshaho qoraal ah laga helo Madaxweynaha, waxaana inta badan xukunnada loo beddelaa xabsi daa’im.

Xukunka dilka ah ayaa lagu dabaqi karaa sida uu dhigayo xeerka ciqaabta dalka ee dambiyada sida dil, argagixisanimo, khiyaano qaran, iyo dembiyo ciidan oo gaar ah. Eedaysanayaasha ayaa, sidda uu xeerinayo xeerka ciqabata, waxaa xukunka loogu fulin karaan qaab daldalaad ama toogasho ay ka qeyb-qaadanayaan ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM