AU oo ku biirtay cambaareynta "Islaam-naceybta" Sweden

Image
Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sidoo kale waxa uu falkan ku tilmaamay "daandaansi".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Axaddii codkiisa ku biiriyey cambaareynta falkii uu ururka xagjirka ah ee garabka midig ee Sweden-Danish uu ku gubay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Rasmus Paludan oo ah hogaamiyaha xisbiga Stram Kurs (Hard Line) oo ay ilaalinayaan booliska, ogolaanshana ka haysta dowladda Sweden ayaa falkan foosha xun ku kacay Sabtidii.

Nuqul kamid ah qur’aanka kariimka ah ayuu ku gubay meel ka baxsan safaaradda Turkiga ee magaalada Stockholm taasoo keentay cambaareyn ballaaran oo ka timid Carabta iyo Islaamka.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee uu geystay ninka garabka midig ee Swedishka ah ee Rasmus Paludan oo gubay nuqul ka mid ah Quraanka Kariimka," ayuu Macky Sall, oo sidoo kale ah madaxweynaha Senegal, ku yiri Twitter.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Islaam nacaybka iyo nacaybka Muslimiinta waa wax laga xumaado waana in lala dagaallamo iyada oo aan tanaasul loo muujinayn".

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa sidoo kale talaabadan waxa uu ku tilmaamay fal daandaansi ah oo lagu beegsanayo Muslimiinta, laguna aflagaadeynayo qiyamkooda muqadaska ah.

OIC ayaa waxay xustey in talaabadan ay tusaale kale u noqonayso heerka argagaxa leh ee ay gaartay Islaam naceybka, waxayna Sweden ka codsatay in la ciqaabo kuwa ka dambeeya "dambiyada ku saabsan nacaybka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM