Baaris lagu bilaabay diyaarad milatari kusoo dhacdey Soomaaliya

Image
Diyaaradan ayaa waxaa iska lahaa ciidamadda Uganda ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika.

KAMPALA, Uganda - Milatariga Uganda ayaa Jimcihii ku dhawaaqay baaritaanno ku saabsan diyaarad helikobter ah oo milateri oo ku dhacday Soomaaliya halkaasoo afar ka mid ah nabad ilaalinta ay ka badbaadeen shilka.

Felix Kulayigye, oo ah afhayeenka ciidamada Uganda oo khadka taleefoonka kula hadlay wakaalada wararka ee Xinhua ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaan doono waxa sababay burburka diyaarada.

Diyaaradda oo ah nooca ciidamada Uganda ayaa burburay wax yar kadib markii uu ka dhoofay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya fiidnimadii Khamiista todobaadkii hore.

Kulayigye ayaa sheegay in diyaaradaasi ay ka soo duushay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday garoonka Belidoogle oo qiyaastii 90-km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya, waxaana saarnaa afar qof.

"Diyaaradda [chopper] waa ay soo degtay, dhammaan dadkii saarnaana way bad qabaan [waa badbaadeen]. Mar kasta oo uu shil diyaaradeed dhaco waa in baaritaan la sameeyaa,” ayuu yiri Kulayigye.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana dhowaan lagu waddaa in ay guud ahaan ka hayaamaan ciidankan gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM