Balanqaad loo sameeyay markab ku xumaadey nawaaxiga Soomaaliya

Image
Markabka FSO Safer ayay saaran tahay saliid afar laab ka badan, saliidii ku daadatay xeebaha Alaska sannadkii 1989-kii.

WASHINGTON, US – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay haatan heleen ballanqaad buuxa oo ku saabsan lacagihii ay codsadeen in lagu samatabixiyo markabka shidaal ee ku xumaaday xeebaha dalka Yemen, kaas oo ay saaran yihiin shidaal ama saliid ka badan 1 million oo foosto.

Lacagta la ururinayey ayaa la doonayaa in loo isticmaalo in shidaalka lagaga wareejiyo markabka, si aanu waxyeello u gaadhsiin badda iyo deegaankaba.

Qaramada Midoobay ayaa haatan weli ku hawlan inay ku qanciso dalalka iyo hay’adaha ku deeqay lacagta, inay si dhakhso ah u ooffiyaan ballamaha ay qaadeen oo ah, in la bixiyo illaa $75 milyan oo dollar oo ah hawlgalka wejiga hore.

Afhayeenka u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Russel Geekie ayaa ka dayriyey xaaladda Markabka, isaga oo sheegay in dib u dhac kasta oo ku yimaadda lacagaha lagu samatabixinayo markabkan shidaal ee ku xumaaday Badda Cas, inay keenayso in markabkani uu daadiyo saliidda saaran.

Markabka FSO Safer ayay saaran tahay saliid afar laab ka badan, saliidii ku daadatay xeebaha Alaska sannadkii 1989-kii.

GO + VOA

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM