Beesha Caalamka oo soo faragelisay xasilooni darada Laascaanood

Image
War-saxaafadeed wadajir ah ayay ku muujiyeen in ay ka walwalsan yihiin xiisada xarunta gobolka Sool.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo walwal ka muujisay xaalada magaala madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa waxay ku baaqdey daganaansho iyo in laga fogaado rabshado.

War-saxaafadeed wadajir ah oo uu faafiyey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu muujiyey in muhiim ay tahay in xiisadda la qaboojiyo isla markaana wadahadal la galo.

"Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka oo uu arkay Garowe Online ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.

Qoraalka waxaa saxiixay; Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Tirada dhimashada la xaqiijiyay ee isu-soo-baxyadda Laascaanood ayaa maraysa 20 qof. Axadda oo keliya waxaa dhintey 6 qof oo kamid ahaa bananabaxayaasha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shacab tiro badan ay xalay ku hoydeen barxad magaalada ayna ciidamada u taag waayeen in ay ka kaxeeyaan kadib isku dayo kala duwan oo ay ku cadaadiyeen.

Maamulka Somaliland ee gooni-isu-taagga ah ayaa lagu waramay in uu magaalada ka gooyay korontada iyo isgaarsiinta taasoo keeneysa in xogaha laga helayo magaalada ay noqdaan kuwa goos goos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM