Boqol maalmood kadib, dhankee u janjeeraa miisaanka amniga dalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya-  Mushkiladda ugu weyn shisheeye iyo sokeeyaba isku waafaqsanyihiin ee Soomaaliya haysata ayaa ah amni darada dalka ka jirta, taas oo xitaa loo tiirinayo in ay sabab u tahay macaluusha laga cabsi qabo in ay dalka ka dilaacdo.

Sidaasi awgeed, dowlad kasta oo xukunka qabata waxa ay ku ololeysaa in ay amniga wax ka qabanayso.

Halbeegga ugu weyn ee looga qiyaas qaadan karo marxaladda Amniga ee dalka ayaa ah tirada weerarada ay Alshabaab geysteen, qasaaraha ka dhashay iyo waqtiga ay ku fuliyeen falalkaasi, taas oo la barbardhigayo talaabooyinka ay dowladda ka qaadday.

Marka ay halkaasi taagantahay, Garowe Online oo u kuurgashay xaaladda Amniga ee 100-kii maalmood ee uu madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka hayay ayaa si madax banaan u sheegi karta in xaaladda amniga ay faraha ka baxday, Shabaabkuna ay yeesheen gacan sareyn kadib markii malafkii amniga ee dowladda lagu saleeyay eex qabiil , kooxaysi iyo dano ku salaysan mashaariic laga helo dowladdo. Taasi faahfaahinteeda maalin kale ayaan u dhigeynaaye, waxaanse maanta si kooban isu dultaagaynaa waxyaabaha la taaban karo ee dhacay.

Waxaa dhacay wax ka badan 15 weerar oo qaarkood ay aad u xoog badanyihiin 100-kii maalmood ee uu xilka joogay madaxweyne Xasan oo isagu galay tiro safaro ah oo intaas aanan ka yareyn oo dalka dibediisa ah. Waxaa la diley qiyaastii dad kor u dhaafaya 200 , waxaana la dhaawacay ugu yaraan 500 qof.

Waxaa intaasi kasii daran utunta iyo hanfariirka ku beermay quluubta dadka iyo dhaawaca gaaray sumcadda dalka ee dibadda amni ahaan, iyada oo boggaga hore ee wargeysyada adduunka ay kusoo baxeen sawirro hanfariir leh oo uu dhiigga qubanayo.

Waxaasi oo dhan waxaa ka daran in weli aysan dowladda muujin ama la iman qorshe Amniga lagu sugayo xilli ay sii dhimanayso kalsoonidii shacabka ee dowladda.

Haddaba waxaan xagga hoose kusoo taxnay dhacdooyinkii amni daro, iyo meelihii ay ka kala dhaceen.


17-kii June 2022: Al-Shabaab ayaa weerar culus oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof ku qaadey degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, oo 90KM u jira Cadaado.

20kii June 2022: Al-Shabaab ayaa si xoog ah kula wareegtay Isbitaalka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

21-kii June 2022: Qarax ayaa lagu weeraray xarunta Caafimaad oo ku taalla degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahiim, oo ku yaala duleedka Muqdisho.

June 2022: Al-Shabaab ayaa weeraro isku mid ah ku qaadey degaanka Bariire iyo degmada Afgooye, oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

July 16, 2022: Waxaa deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim lagu dilay Sheekh Cabdi Faniinte oo ahaa nabadoon iyo ganacsade caan ah, iyadoo dilkiisa uu ahaa midkii 3aad oo Caasimadda loogu geystay Odayaal hal beel kaasoo jeeda, taasoo Al-Shabaab dagaal kula gashay degaanka Baxdo ee Galgaduud.

July 17, 2022: Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari Xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray hotel lagu magacaabo Nuur Doob, oo ku yaallo afaafka Madaxtooyadda HirShabeelle, kaasoo dad badana lagu dilay, waxaana ku dhawaacay wasiirro iyo Xildhibaan.

July 20, 2022: Al-Shabaab weeraro culus ku qaaday degmooyin ay kamid yihiin Yeed iyo Caato, oo ku yaalla xuduudka Gobolka Bakool iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo ay ku dishay askar badan.

July 23, 2022: Qarax Miino ayaa ka dhacay Koontoroolka dhanka Koonfureed ee magaalada Buulo-burde gobolka Hiiraan.

Jul 27, 2022: Qarax Is-miidaamin ah oo qof fuliyay, ayaa lagu dilay Gudoomiyihii degmada Marko C/llaahi Waafow iyo 11 kale xili uu kasoo baxay xarunta maamulka.

July 29, 2022: Qarax culus oo is-miidaamin ahaa, ayaa ka dhacay Baydhabo,  kaasoo lagu dilay Wasiirka Caddaaladda maamulka Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay, iyadoo ay ku dhawaacmeen dad kale oo wasiirka wiilkiisa 2aad ku jiray.

August 7, 2022: Weerar kale ayaa ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle kaasi oo ahaa qarax is-miidaamin ah ka dhacay Hotel u dhow xarunta Madaxtooyada.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday Hotelka City, iyadoo uu isa qarxiyey markii la joojiyey, waxaana qaraxa ka dhashay qasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

11 August 2022: Nin watay mooto bajaaj lagu soo raray walxaha qarxa ayaa waxa uu Degmada Afgooye ku beegsaday Gudoomiye Kuxigeenkii hore amniga ee degmadaasi, Xuseen Jibriil.

19–21 August 2022, weerar socday 30 saac ayay Al-Shabaab ku qabsatay Hayat hotel, oo ku yaalla wadnaha Muqdisho, gaar ahaan KM4, oo ah wadada aada Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo noqday weerarkii ugu waqtiga dheeraa oo dalka ka dhacay Taariikhda.

Inta uu socday weerarka iyo kadib bishii lasoo dhaafay dhowr xaafadood oo kala duwan ayay Al-Shabaab weeraro hoobiyaal ah ku qaadey Muqdisho, kuwaasoo qaar ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Somalia.

2-dii September 2022: Al-Shabaab ayaa in ka badan 20 qof oo shacab ah ku dishay tuulada Afar Irdood halkaaso ay ku gubtay 8 Gaari oo Xamuul ah, oo Raashiin wadey, oo ka yimid Beledweyne, kuna sii jeeday Maxaas, oo kawada tirsan gobolka Hiiraan.

2-dii Sep 2022: Bilaal Bulshaawi oo Caan ka ahaa Tiktok ayaa lagu dhaawacay isaga iyo saaxiibkiisa Isgoyska Banaadir, ee magaaladda Muqdisho.

Dowladda ayaa lagu dhaliilay inay dagaal aysan u diyaar-garoobin ay iclaamisay, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh bishii lasoo dhaafay shaaciyay in Al-Shabaab lasoo afjarayo awoodeeda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM