Buundo nooceeda ku cusub yahay oo Muqdisho laga dhisayo

Image
Buundooyinka lug-mareenka ah ayaa caan ka ah magaalooyinka waaweyn ee adduunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa markii ugu horeysey dalka Soomaaliya laga hirgalinayaa buundo ay dadka kaga talaabaan waddooyinka gaadiidka ku badanyahay ee mashquulka ah si looga hortago shilalka ay dadka ku waxyeeloobaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Madaale ayaa degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Iskuul Jabuuti ka dhagax dhigay buundadan oo noqonaysa tii koowaad oo nooceeda ah laga hirgaliyo dalka.

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ujeedka ugu weyn in uu yahay in carruuraha iyo dadka taagta daran ay si sahlan uga talaabaan wadada oo gaadiidka ay xawli ku maraan.

Waxa uu guddoomiyaha ka dhawaajiyey in kuwa kalena laga hirgalin doono meelo kale oo caasimadda ka tirsan xilli ay sii kordhayaan mashaariicda danta guud ee dalka ka qabsoomaya.

"Dhagax-dhiga Buundada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle, iyadoona ay noqoneyso markii ugu horeesay oo Buundo nuucaan oo loogu tala galay fududeynta isku socodka dadweynaha laga hirgeliyo Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho," ayuu yiri xafiiska Madaale.

Buundooyinka lug-mareenka ah ayaa caan ka ah magaalooyinka waaweyn ee adduunka, halkaasi oo lagu guuleystay in laga baaqsado shilal badan oo dadka ay ku waxyeeloobi jireen.

Waddooyin badan oo laami ah oo kuwa cusub iyo kuwa la dayactireyba isugu jira ayaa guud ahaan dalka ka socda gaar ahaan caasimadda, taasi oo aad u dhiirogalisay gaadiid tiro badan oo noocyo kala duwan in ay waddooyinkaasi adeegsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM