Agabyada dowlada Canada oo laga mamnuucay app-ka TikTok

Image
Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa go'aankan ku sifeeyay "tallaabada kaliya ee aan u baahanahay inaan qaadno".

TORONTO, Canada - Dowladda Kanada ayaa app-ka fiidiyowga gaaban ee TikTok waxay ka mamnuuci doontaa dhammaan aaladaha ay xukuumadda dalkaas bixiso laga bilaabo Talaadada maanta ah.

Go'aanka ayaa daba socday dib u eegis uu sameeyay madaxa warfaafinta ee Canada. "App-ka "wuxuu soo bandhigayaa heer aan la aqbali karin oo khatar ku ah sirta iyo amniga", ayuu yiri afhayeen u hadlay dowladda.

Afhayeen u hadlay TikTok ayaa sheegay in shirkadu ay ka niyad jabtay go'aanka. Talaabadan waxay ku soo beegantay maalmo uun ka dib markii guddiga Yurub uu ku dhawaaqay mamnuucid kan la mid ah.

Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau oo difaacay go'aankaas mamnuucida ah ayaa sheegay in walaac ku filan laga qabo amniga agagaarka app-ka "si loogu baahan yahay isbedelka".

"Tani waxay noqon kartaa tallaabada ugu horreysa, tani waxay noqon kartaa tallaabada kaliya ee aan u baahanahay inaan qaadno," ayuu Isniintii ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay meel u dhow Toronto.

Shirkadda laga leeyahay waddanka Shiinaha ee TikTok ayaa lagu dhaleeceeyay adeegsiga xogta gaarka ah iyo xiriirka ay la leedahay xukuumadda shuuciga ah ee Bejing.

Shaqaalaha federaalka Mareykanka ayaa horey looga mamnuucay TikTok dabayaaqadii sanadkii hore 2022. Isniintii Aqalka Cad wuxuu siiyay wakaaladaha dowladda 30 maalmood inay ka tirtiraan barnaamijkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM