Boris Johnson oo kaalmo dheeri ah ugu yaboohay Ukraine
LONDON, Britain - Ra'iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in uu maanta kaga dhawaaqo shirarka NATO iyo G7 taageero milatari oo uu ugu talo galay dalka Ukraine isagoo sidoo kale ugu baaqi doono beesha caalamka in ay sii wadaan caawimada ay siinayaan ciidamada Ukraine ee iska caabinaya duulaanka Ruushka.
Tallaabooyinka uu maanta ku dhawaaqi doono waxaa ka mid ah 6,000 oo gantaal oo ka kooban kuwa taangiyada iyo hubka culus iyo 25 milyan oo ginni oo taageero dhaqaale ah taasoo loogu talagalay millatariga Ukraine.
Wasiirka koowaad ee UK wuxuu cadeyn doonaa rabitaanka dowladiisa ee ah inuu la shaqeeyo daneeyayaasha si loo xoojiyo awoodda ciidanka difaaca Ukraine, oo ay ku jiraan hubka meelaha fog wax ku gumaada iyo sirdoonka, iyadoo dadka Ukraine ay wajahayaan duullaan aan laga fiirsan.
Boqortooyada Ingiriiska waxay sidoo kale siin doontaa £4.1 milyan oo dheeri ah oo loogu talagalay laanta caalamiga ah ee BBC-da taasoo qayb ka ah dadaalka dawladda ee wax looga qabanayo macluumaadka khaldan ee Ruushka iyo Ukraine iyo sidoo kale taageero maaliyadeed iyo taageero boolis oo cusub oo loogu talagalay baaritaanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka.
Boris Johnson wuxuu soo dhaweyn doonaa mowqifka mideysan ee NATO iyo G7 ee ku aadan Ukraine iyo tallaabo wadajir ah oo ku saabsan tallaabooyinka dhaqaalaha, militariga iyo diblomaasiyada.
Waxa uu ku boorin doonaa xulafada iyo la-hawlgalayaasha inay kordhiyaan kaalmada si looga jawaabo xasuuqa naxariis darada ah ee ay gaysanayaan ciidamada Ruushka.
Ra'iisul Wasaare Boris Johnson ayaa yiri: "Vladimir Putin ayaa horey ugu fashilmay Ukraine. Dadka reer Ukraine waxay muujiyeen inay si aan caadi ahayn oo dhiiranaan iyo geesinimo ku dheehan tahay u difaacayaan dalkooda, iyagoo wajahaya weerarro aan loo meel dayin, lakiin ma joojin doonno taageerada aan siineyno Ukraine inta uu Ruushka burburinayo magaalooyinka waaweyn ee dalkaas. UK waxay kala shaqayn doontaa xulafadeeda sidii loo xoojin lahaa taageerada milatari iyo dhaqaale ee Ukraine".
GAROWE ONLINE