Gollaha Amaanka oo markale mudo kordhin u sameeyay AMISOM

Image

NEW YORK - Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM], kaasoo wajahaya weeraro uga yimaada AlShabaab ayaa wuxuu helay Talaadii shalay taageero leysku raacsan yahay oo uga timid Gollaha Amaanka ee QM.

AMISOM, oo ka kooban 21,600 oo askari, oo ay taageerto Qaramadda Midoobay iyo dowladaha kale ee beesha caalamka ayaa mudo 10 sano ah ka howlgalaysay koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Muda kordhinta loo sameeyay AMISOM ayaa waxay dhameeneysaa bisha July ee socota, waxaana Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ogolaaday in dib eegis lagu sameeyo howgalka, kadib marka warbixin looga soo keenay 15-ka June

Sidoo kale, Golaha amaanka ayaa wuxuu ayiday in la fuliyo dhimista ciidanka Midowga Afrika, taasoo laga jarayo 20,600 Askar marka la gaaro 30-ka October, iyadoona sanadkii lasoo dhaafay laga jaray Howlgalka 1,000 o ciidamo.

Waxaa jira qorshe guud kaasoo cidiamadaan shisheeye looga saarayo guud ahaan dalka December 2020, laakiin Golaha Wasiirada ee dalalka ciidamada ku deeqay Soomaaliya ee kala ah, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa kasoo horjeestay.

Waxay ku doodeen in waqti xaadirkaan aysan habooneen in Soomaaliya ay ka baxaan, iyagoo mar-marsiyo ka dhiganaya in hadii ay baxaan ciidamada AMISOM uu amaanka faraha kasoo baxayo, islamarkaana ciidamo Soomaaliya oo bedali kara aysan jirin.

Howlgalkaan oo Soomaaliya ka bilowday 2007-dii, islamarkaana taageero caalami ah ka haysata caalamka, garabna siiya dowlada Soomaaliya ayaa wuxuu wajahayaa weeraro uga imaanaya Dhaqdhaqaaqa AlShabaab.

Mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo ay ka geystaan Soomaaliya, Xoogaga AlShabaab wuxuu ahaa mid 500 qof ay ku dhintaan kaasoo ah Oktoobartii lasoo dhaafay, inkastoo masuuliyada weerarkaas aysan sheegan, laakiin lagu eedeeyay.

Khabiiradda ayaa ku tilmaamay in wax hoos udhiga awooda iyo wax-tarka ciidamada Soomaalida ay tahay, maleyshiyaadka qaliibka, kuwaasoo ciidama ukala qeybsan yihiin, islamarkaana mararka qaarkood ay isku dhacaan.

AlShabaab ayaa waxay weysay gacan ku haynta Magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii, laakiin wali waxay sii wadaan dagaalka.

Mudada kordhintaan loo sameeyay howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo dowlada Soomaaliya xusul duub ugu jirto diyaarinta ciidamo, kuwaasoo kala wareega AMISOM amaanka guud ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM