Israa’iil oo duqaymo cusub ka gaysatay Marinka Qaza

Image
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay ama dhaawac ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

TEL AVIV, Israel – Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa maanta oo Talaado ah duqeyn ka fuliyay marinka Qaza, iyaga oo bar-tilmaameedsaday waxa ay milatarigu Yuhuudu ku sheegeen in ay tahay goobta hubka lagu farsameeyo ee Xamaas.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay ama dhaawac ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Guutada Ezzedine al-Qassam – laanta hubaysan ee Xamaas – ayaa sheegtay in ay kaga aargudeen gantaalada cirka oo ay soo tureen ciidanka Yuhuuda.

"Difaaca cirku waxa uu kaga jawaabay dayuuradaha dagaalka Saxyuuniyadda ee cirka marinka Gaza gantaalada hawada ilaa 01.35 wakhtiga maxaliga ah (10;35GMT) subaxnimadii Talaadada," ayaa lagu yiri bayaan.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii gantaal laga soo tuuray marinka Gaza ee go’doonsan oo ku soo dhacay koonfurta Israa’iil Isniintii, waa weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah muddo bilo ah iyada oo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhalatay masjidka Barakaysan ee Al Qaza.

Gantaalkan oo ay Israa’iil sheegtay in ay ku soo ridday kooxdeeda Bir-ta ah ee loo yaqaan 'Iron Dome' ayaa la sheegay in aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay duqeyntan, mana jirto koox falastiiniyiin ah oo sheegatay mas'uuliyadda gantaallada.

Ururka Xamaas, oo ah kooxda Falastiiniyiinta ee maamusha deegaanka xeebta, ayaa ka digay in dhacdo kasta oo ka dhacda dhismaha Masjidka Al-Aqsa ay noqon doonto "khadka cas" ka dib markii ciidamada Israa'iil ay dhowr jeer weerareen goobta Bariga Quddus dhowr jeer maalmihii la soo dhaafay, iyagoo xiray boqolaal Falastiiniyiin.

Falastiiniyiinta ayaa Israa’iil ku eedeeya inay ku xad-gudbeen Al-Aqsa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Israel ayaa sheegtay in dibad baxayaasha Falastiiniyiinta ay doonayaan inay carqaladeeyaan salaadda Muslimiinta si ay ujeedo siyaasadeed iyo inay ka hortagaan booqashooyinka Yuhuuda, kuwaas oo u dabaaldegaya Iidooda gaarka ah.

Goobtan ayaa ah mid ay xushmeeyaan Muslimiinta iyo Yuhuuda. Booliiska Israa'iil ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay hubiyaan in dhammaan diimaha oo dhan ay si ammaan ah ugu dabbaal-degaan ciidaha.

Kahor weerarka gantaalka, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Naftali Bennett ayaa ku eedeeyay Xamaas inay wado "olole dhibaateyn duurjoog ah" oo ka dhan ah Israa'iil.

Masar iyo Urdun, oo heshiisyo nabadeed la saxeexday Israa’iil tobannaan sano ka hor, isla markaana kala shaqeeya arrimaha ammaanka, ayaa cambaareeyay falkii ciidammada Israa’iil ee goobtaas ku sugnaa.

Jordan - oo u adeegta sida ilaaliyaha goobta - ayaa u yeertay ku xigeenka wakiilka Israel ee Amman isniintii isagoo mudaaharaadaya.

Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha Labaad ayaa Isniintii sheegay in tillaabooyinka “hal dhinac” ee Israa’iil ee ka dhanka ah Muslimiinta ku cibaadeysanaya Masjidka Al-Aqsa ay si weyn u wiiqday rajada nabadda ee gobolka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Boqorka ayaa la hadlayay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres markii uu sheegay in Israa’iil ku eedaysay “falalka daandaansiga ah” ee ka dhacay dhismaha masaajidka taas oo ku xad-gudbaynaysa “xaalka sharciga iyo taariikhda” ee xaramka barakeysan.

Jimcihii, ugu yaraan 152 falastiiniyiin ah ayaa booliiska Israa’iil ku dhaawaceen gudaha dhismaha masjidka, taasoo ah tii ugu dambeysay ee ka dhalatay rabshado kor u kacay oo sare u qaaday cabsida laga qabo inay dib ugu laabtaan iskahorimaad ballaaran.

Qalalaasaha ay ciidamada Israa’iil ku hayaan dad mudaaharaadayey oo ka soo horjeeda isku dayga xoog lagaga saarayo Falastiiniyiinta ee ku yaalla xaafadda Bariga Quddus ee Sheikh Jarrah sannadkii hore, ayaa sabab u noqday sii hurinta rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo dagaalyahannada Xamaas ee Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM