Jill Biden: Ninkayga hadalkayga wuu dhagaystaa, balse go’aanka isagaa leh

Image
Xaaska madaxweynaha Maraykanka Jill Biden oo booqasho ku joogta Kenya ayaa hadalkan sheegtey.

WASHINGTON, USA - Xaaska madaxweynaha Maraykanka Jill Biden oo booqasho ku joogta Kenya ayaa ka hadashay suurtogalnimada in Joe Biden uu markale isu soo sharoxo xilka madaxtinimada Maraykanka, waxayna sheegtay in uu isa soo taagi doono.

“Hawlo ayaa qabyo u ah, waana in uu dhamaystiraa qabyadaas,” ayay tiri Jill oo bixisay wareysi iyada oo Nairobi ku sugan.

Mar wax laga weydiiyay in iyada uu ku xiranyahay go’aanka Biden in uu markale tartamo iyo in kale, ayay sheegtay in ninkeeda uu hadalkeeda dhagaysto, balse go’aanka kama dambeysta ah uu isaga leeyahay.

Marwo Jill ayaa Afrika u marayso arrimo la xiriira ololaheeda la dagaalanka cudurka Kansarka, xilli iyada laga qalay unug jirkeeda ka mid ah oo cudurkaasi uu ku dhacay.

Marwada koowaad ee Maraykanka ayaa ah qofta kaliya ee darajadan soo martay taariikhda ee weli sii haysata shaqadeedii hore oo ah macalinimo. Balse waxaa hadda u dheer hawlo hab-maamuuska xafiiska madaxweynaha ah oo marmar ay qabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM