Khasaaraha guud ee dhul-gariirkii ku dhuftey Turkiga oo la shaaciyey

Image
n ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay dhibaatadu saameysey ayaa degan guriyo teendho ah kadib markii hoygooda waayeen.

ANKRA, Turkey - Ugu yaraan 44,374 qof ayaa ku dhintay laba dhulgariir oo xoog badan oo ku dhuftay koonfurta Turkiga 6-dii Febraayo, sidda uu sheegay sarkaal ka tirsan wakaaladda masiibada ee qaranka Axaddii.

Dhowr waddan oo gobolka ah oo ay ku jiraan Suuriya iyo Lubnaan ayaa sidoo kale laga dareemay dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay Turkiga wax ka yar 10 saacadood.

Yunus Sezer, oo ah madaxa hay'adda Maareynta Masiibooyinka iyo Degdegga ah (AFAD), ayaa sheegay in hawsha goobidda iyo samatabbixinta lagu soo gabagabeeyay ku dhawaad ​​21,000 oo dhismo, isaga oo intaa ku daray: "Waxaan hadda si buuxda diiradda u saarnay qaadista qashinka."

Tacsi ayaa ka soo yeertay caalamka oo dhan iyagoo dowladaha ay muujinayeen taageerada Turkiga, iyadoo dalal badan ay u soo direen kooxaha gurmadka iyo gargaarka.

"In ka badan 230,000 oo shaqaale ah ayaa hadda ka shaqeynaya goobaha samatabixinta," ayuu raaciyay. "Ugu yaraan 9,900 dhismeyaal ayaa ku burburay musiibadan," ayuu kusii daray.

"Waxaan u dirnaa in ka badan 10,000 oo teendho ah celcelis ahaan gobollada maalin kasta, waxaanan geynaa geesaha ugu fog. Hadda waxaan leenahay 287 magaalo teendho ah oo gobolka ah," ayuu yiri Sezer.

In ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay dhibaatadu saameysey ayaa degan teendhooyin. 563,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay meel ka baxsan aagga musiibada. Gargaarka ayaa ah mid wali socda oo aan joogsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM

Ilhan Omar oo u mahadcelisay taageerayaasheeda kaddib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dadka sida weyn u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasaddiisa socdaalka.

  • Caalamka

    21-10-2026

  • 05:22AM