Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay afaafka hore ee maxkamad

Image
Image
Image
Image
Image
Ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana socda baaritaan.

ANKARA, Turkey - Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii uu qarax ka dhacay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee ku taal caasimadda Montenegro ee Podgorica Jimcihii, sida uu sheegay Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda.

Booliska ayaa sheegay in wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan in qof uu bamka ku qarxiyay afaafka hore ee maxkamada markii dad badan ay ku sugnaayeen, waxaana loo maleynayaa in uu ahaa weerar ismiidaamin ah.

Ninka weerarka geystay ayaa lagu magacaabi jiray M.B oo 39 jir ahaa, kaasi oo dhintay kadib markii uu bam gacmeed ku qarxiyay afaafka hore ee Maxkamadda, sida ay sheegeen Booliska.

"Saacadda markay ahayd 11:35 waxa na soo gaadhay ogeysiis ah in walxaha qarxa lagu soo rakibay dhismaha Maxkamadda iyo in ay jiraan dhaawacyo," ayaa lagu yiri qoraalka.

Srda Korac, oo ah sarkaal ka tirsan booliiska ayaa intaas ku dartey: "Waxa aanu haynaa shan qof oo kale oo dhaawac ah kuwaas oo lagu daweynayo Xarunta Caafimaadka".

Ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana socda baaritaan. Illlaa haatan, ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan.

Xiliga uu qaraxu dhacayay ayaa waxaa maxkamada ku sugnaa dadweyne aad u fara badan, sida uu sheegay Raadiyaha RTCG. Hase ahaatee, lama kala caddeyn waxay sugayeen shacabkaas iyo haddii dowladda ay ka war haysay khatartaas ammaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM