Kooxda Taalibaan oo ku dhawaaqdey dilka taliye sarre Daacish ah

Image
Horjoogahan ayaa la sheegay in uu ahaa Madaxii sirdoonka iyo howlgallada ee Daacish ee Afgaanistaan.

KABUL, Afgaanistan - Talibanka Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in ciidamadooda ammaanku ay dileen laba taliye oo muhiim u ahaa kooxda Daacish, kadib weerar ay habeen hore ku qaadeen goob uu ku dhuumaaleysanayey oo ku taal caasimadda Kabul.

Shaacintan ayaa timid saacado ka hor inta uusan Maraykanku warbixin cusub ku sheegin in ilaa 3,000 oo dagaalyahannada IS ah ay ka hawlgalaan Koonfurta Aasiya oo ay ka fuliyaan falal argagixiso.

Af hayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa war uu soo saaray ku sheegay in “Madaxii sirdoonka iyo howlgallada ee Daacish” ee Afgaanistaan ​​uu sidoo kale ka mid ahaa dadkii lagu dilay howlgalkan dhacay Axaddii.

Horjoogaha la dilay ayuu ku sheegay Qari Fateh. Daacish, ama Dawladda Islaamiga ah-Khorasan (IS-K), waa garabka kooxda ISIL ee ka howlgasha Afgaanistaan ​ iyo cadawga Taalibaan ee muhiimka ah.

Mujahid ayaa waxa uu sheegay in Fatex uu soo maleegay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa safaaradaha, masaajidyada iyo bartilmaameedyada kale ee Kabul.

IS-K ayaa todobaadkii hore xaqiijisay geerida Ahangar oo sidoo kale loo yaqaan Abu Usman Al-Kashmiri, iyadoo bayaan ay soo saartay ku sheegtay in lagu dilay iska horimaad dhexmaray kooxda Taliban 14-kii February balse ma uusan sheegin goobta saxda ah.

Taalibaan ayaa si joogta ah u waday howlgalo ka dhan ah dagaalameyaasha IS-K tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen maamulka Kabul bishii Agoosto sanadkii 2021 markii ciidamada shisheeye ee uu hogaaminayo Mareykanka ay ka baxeen dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 3 askari Mareykan ah oo ku dhintay howlgal ka dhan ah Iran – CENTCOM

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in shan askari oo kale ay soo…

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 04:30PM

Imaaraadka oo ka digay tallaabo adag haddii weerarrada Iran sii socdaan

Markii la weydiiyay suurtagalnimada tallaabo militari, ayay sheegtay in arrintaas ay weli furan tahay.

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 12:12PM