Mareykanka oo martigalinaya shir madaxeedka labaad ee COVID-19

Image
Madaxweyne Joe Biden oo ku baaqay iskaashi caalami ah si loo soo afjaro masiibada.

WASHINGTON, USA - Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu si wadajir ah u martigelin doono shir madaxeedka labaad ee COVID-19. Shirkan oo ah heer caalami ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo 12-ka May si looga wadahadlo dadaallada loogu jiro sidii lagu soo afjari lahaa musiibada caabuqa iyo u diyaargarowga noocyada mustaqbalka soo bixi doona ee Coronavirus.

War-saxaafadeed uu soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu yiri: "Soo bixitaanka iyo faafitaanka noocyada cusub sida omicron, waxay xoojiyeen baahida loo qabo istaraatiijiyad lagu xakameynayo caabuqa COVID-19 ee saameeyay adduunka oo dhan".

Mareykanka ayaa shirkan ku casuumay gudoomiyaha CARICOM, madaxweynaha Jarmalka oo sidoo kale ah hogaamiyaha wadamada ku bahoobay G-7, Indonesia oo iyana haysa hogaanka kooxda G-20 iyo Madaxweynaha Senegal oo ah gudoomiyaha Midowga Afrika. 

Shirkan ayaa ku soo beegmayaa iyadoo ay jiraan walaacyo ku saabsan dib u soo kabashada masiibada ka dib xannibaadaha COVID-19 ee Shiinaha iyo kor u kaca nooc cusub oo BA2 ah oo ka mid ah coronavirus-ka ee laga helay dalka Mareykanka, halkaas oo magaalada Philadelphia ay xoojisay qaadashada maaskarada.

"Shirku wuxuu laba jibaari doonaa dadaallada wadajirka ah ee lagu soo afjarayo marxaladda ba'an ee masiibada COVID-19 iyo u diyaargarowga khataraha caafimaad ee mustaqbalka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay carrabka ku adkeeyeen taageeridda xalalka maxalligu hogaaminayaan oo ay ka mid yihiin "Qaadashada talaalka cudurka, bixinta agabka wax lagu baaro iyo dawada bukaanada, gaar ahaan dadka khatarta ugu badan wajahaya, ballaarinta iyo ilaalinta shaqaalaha caafimaadka".

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ku baaqay iskaashi caalami ah si loo soo afjaro masiibada, ayaa isugu yeeray shir madaxeedkii ugu horreeyay ee COVID-19 ee caalami ah bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, iyadoo noocyada delta iyo omicron ee coronavirus ay soo baxeen wax yar ka dib shirkaas.

"Waan ognahay in ay tahay inaan u diyaargarowno hadda si aan u xoojinno, u xakameyno, una maalgalino awoodda caalamiga ah ee aan u baahannahay, kaliya ma ahan noocyada COVID-19 ee soo ifbaxaya, balse sidoo kale dhibaatooyinka caafimaad ee mustaqbalka," ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah.

Shir-madaxeedka waxa uu ugu baaqayaa hoggaamiyeyaasha adduunka, samafalayaasha, NGO-yada iyo qaybaha gaarka loo leeyahay in ay taageeraan hadafkooda ah in ay kordhiyaan heerka tallaalka caalamiga ah oo ay joogteeyaan taageerada kor loogu qaadayo badqabka dadka ku nool dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM