Maxaa sababay dhimashada wiilka yar ee Cristiano Ronaldo?
MANCHESTER UNITED, Britain - Ciyaaryahanka weerarka uga dheela kooxda ka dhisan dalka Ingiriiska ee Manchester United, Cristiano Ronaldo iyo xaaskiisa Georgina Rodriguez ayaa shaaciyay geerida ku timid wiil yar oo ay dhaleen iyagoo sheegay in ay ku jiraan "marxaladda ugu adag ee qof waalid ah uu dareemo".
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal oo 37 jir ah iyo Rodriguez 28 jir ah, ayaa filanayay in ay u dhashaan mataano wiil iyo gabadh ah. Lamaanahan ayaa waxaa u badbaaday gabadha la mataanka ahayd wiilka ka saqiiray, waxeyna yiraahdeen: "Nolasha gabadhanada ayaa na siineysa awood aan ku noolaan karno taas oo inoo abuureysa rajo iyo farxad".
"Wiilkayagu, waxaad tahay malaa'igteena, had iyo jeerna waan ku jeclaan doonnaa," ayay sii raaciyeen. War qoraal ah oo ay soo dhigeen baraha bulshada ayay ku yiraahdeen: “Aad ayaan uga xunnahay inaan ku dhawaaqno geerida wiilkeena.”
"Dhammaanteen waan ka xunnahay musiibada aan ku weynay wiilkeeni yaraa, waxaanan si naxariis leh u codsaneynaa in xogteena aysan noqonin mid shaac baxsan oo cid kasta aysan kasoo hadlin".
Kooxda Manchester United ayaa u soo tacsiyeysay Ronaldo iyo xaaskiisa iyagoo barteeda Twitter-ka ku soo qortay: "Xanuunkaagu waa xanuunkayaga, waxaana kuu hadyeynaa jacayl iyo awood aad kaga soo kabataan adiga iyo qoyskaaga wakhtigan adag".
Sidoo kale saaxiibkiis Marcus Rashford ayaa baraha bulshada kusoo qoray: “Qalbiyadeena ayaa idinla jiro adiga iyo Georgina, aadna waan ooga xumahay walaal.
Manchester United ayaa markii dambe xaqiijisay in Ronaldo uu seegi doono kulanka fiidnimada Talaadada ee ay la ciyaarayaan Liverpool, sababa la xiriira in uu waqti adag ku jiro oo uu maskax ahaan u diyaarsanaan karin ciyaarta caawo dhaceyso.
"Qoyska ayaa wax walba ka muhiimsan, Ronaldo-na waxa uu taageerayaa dadka uu jecel yahay waqtigan adag” ayey tiri kooxda. “Sidaa darteed, waxaan xaqiijineynaa in uusan ciyaari doonin kulanka Liverpool ee Anfield fiidnimada Talaadada, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa codsiga qoyska ee ah in aan arimahooda dibedda la keenin".
Kooxdiisi hore ee Real Madrid ayaa sheegtay in kooxda, madaxweynaheeda iyo dhammaan maamulka ay aad uga xun yihiin geerida ku timid wiilkooda yar, waxeyna yiraahdeen, "Cristiano, dhamaanteen adiga ayaan kaa fekereynaa waxaana kuu rajeyneynaa awood aad kaga gudubtaan waqtigan aad ka u adag, runtii waxaan idinla qaybsaneynaa xanuunka aad dareemeysaan."
Kooxaha Manchester City, Leeds United iyo Horyaalka Ingiriiska ayaa sidoo kale fariimo tacsi ah ku soo qoray bartooda Twitter-ka. Cristiano Ronaldo ayaa waxaa horaan u joogay afar caruur ah oo kala ah, Cristiano Jr oo dhashay 2010, mataanaha Eva iyo Mateo oo dhashay 2017 iyo gabadha ay u dhashay Rodriguez ee Alana Martina oo dhalatay 2017.
GAROWE ONLINE