Wax ka ogow gantaalka "Shaydaanka" ee Ruushka tijaabiyey

Image
SARMAT waa gantaal culus oo hawshiisu ay soo socotay dhawrkii sano ee u dambeeyey.

WASHINGTON, USA - Waaxda milatariga dalka Ruushka ayaa sheegtay in ay guul kusoo dhammaatay tijaabadii ugu horeysay oo lagu sameeyay gantaal cusub oo ay soo saareen.

Gantaalkan ayaa ah mid tayadiisa ay aad u sareyso isagoo isaga kala gooshi kara qaaradaha dunida. Madaxweynaha dalka, Vladimir Putin ayaa sheegay in uu gantaalkan sababi doono in wadamada reer galbeedka si aad ah uga fikiraan ka hor inta aysan qaadin tilaabooyin gardarro oo ka dhan ah Ruushka.

Kremlin-ka dalka ayaa wacad ku maray in ay ku dadaali doonaan horumarinta hubkooda Nukliyeerka. Gantaalkan oo ah mid aad u halis badan ayaa lagu magacaabaa SARMAT, waxey tijaabadiisa kusoo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa wadamada reer galbeedka iyo Ruushka ee ku saabsan duullaanka Ruushka ee dalka Ukraine.

Xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda difaaca dalka Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay in Ruushku uu siiyey Mareykanka  ogaysiis hordhac ah oo ku saabsan tijaabada gantaalkan, iyada oo la raacayo heshiiska cusub ee START ee xakameynta hubka nukliyeerka ee u dhexeeya Moscow iyo Washington.

"Ruushku wuxuu si sax ah ugu wargaliyay Maraykanka iyada oo la raacayo waajibaadkiisa ku dhigan heshiiska New  START, inuu qorsheynayo inuu tijaabiyo gaantaalkan," ayuu yidhi, isagoo hadalkiisa sii raaciyey "Tijaabada noocan oo kale ah waa mid joogto ah, la yaabna ay ahayn”

SARMAT waa gantaal culus oo hawshiisu ay soo socotay dhawrkii sano ee u dambeeyey wuxuuna ka mid yahay gantaallada xambaara hubka nukliyeerka ee sida fudud isaga kala gudbi kara qaaradaha dunida, wuxuuna bedelayaa gantaalka lagu magcaabo VEYEVODA, kaas oo ay reer galbeedku u bixiyeen magaca Shaydaanka, isla markaana udub dhexaad u ah gantaallada xambaara hubka nukliyeerka ee dalka Ruushka.

Tijaabada gantaalkan ayaa loo maleynayaa in aad u sii kala fogeyn doonto wadamada reer galbeedka iyo Ruushka, madaama ay u arkaan Ruushka mid khatar ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM