Keating oo watigiisa Howlgalka Soomaaliya ka dhamaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa macsalaameynaya sanadkan Muqdisho maadaama waqtigiisa uu dhamaanayo, waxaana lagu wado in Wakiil cusub loo soo magacaabo Howlgalka Qaramada Midoobay.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Illo ku dhaw Xafiiska UNSOM ayaa sheegaya in muda xileedka Keating uu dhacayo November 2018, iyadoo dowladaha Gollaha amaanka ee QM ay hadda ka fekerayaan magacaabista mas'uulkii bedeli lahaa.

Sweden ama South Africa midkooda ayaa la filayaa inuu ka yimaado qofka Michael Keating kala wareegi doono xafiiska Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya [UNSOM].

Keating, oo kasoo jeeda Ingiriiska ayaa xilkan loo soo magacaabay November 2015, iyadoo intii uu joogay dalka ay qabsoomeen doorashooyinkii Baarlamaaniga iyo midii madaxtinimada ee lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo, oo UNSOM gacan ka geysatay.

Wuxuu Keating xilka kala wareegay January 2016 Nicholas Kay, oo isna isla dalka Ingiriiska u dhashay, kaasi oo hadda loo magacaabay Safiirka UK ee dalka Afghanistan. 

UNSOM ayaa ka taageerta Soomaaliya dowlad-dhisida, dib u eegista Dastuurka, hanaanka doorashooyinka, amniga, xuquuqul Insaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo caawinta arrimaha bini'aadanimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM

Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 11:37AM