Keating oo watigiisa Howlgalka Soomaaliya ka dhamaanayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa macsalaameynaya sanadkan Muqdisho maadaama waqtigiisa uu dhamaanayo, waxaana lagu wado in Wakiil cusub loo soo magacaabo Howlgalka Qaramada Midoobay.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Illo ku dhaw Xafiiska UNSOM ayaa sheegaya in muda xileedka Keating uu dhacayo November 2018, iyadoo dowladaha Gollaha amaanka ee QM ay hadda ka fekerayaan magacaabista mas'uulkii bedeli lahaa.

Sweden ama South Africa midkooda ayaa la filayaa inuu ka yimaado qofka Michael Keating kala wareegi doono xafiiska Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya [UNSOM].

Keating, oo kasoo jeeda Ingiriiska ayaa xilkan loo soo magacaabay November 2015, iyadoo intii uu joogay dalka ay qabsoomeen doorashooyinkii Baarlamaaniga iyo midii madaxtinimada ee lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo, oo UNSOM gacan ka geysatay.

Wuxuu Keating xilka kala wareegay January 2016 Nicholas Kay, oo isna isla dalka Ingiriiska u dhashay, kaasi oo hadda loo magacaabay Safiirka UK ee dalka Afghanistan. 

UNSOM ayaa ka taageerta Soomaaliya dowlad-dhisida, dib u eegista Dastuurka, hanaanka doorashooyinka, amniga, xuquuqul Insaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo caawinta arrimaha bini'aadanimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM