Muwaadiniin Soomaali ah oo xilal sare ka qabtey dowladda Ingiriiska

Image
Image
Image
Image

LONDON - Majid Majid oo ah wiil asalkiisu Soomaali yahay kana soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa wuxuu galay taariikhda dalka Britain kadib markii loo doortay Duq Sharafeedka Magaalada Sheffield ku yaala Koonfurta dalka Ingiriiska.

Wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga dhanka bidix ay ujaranteerto siyaasadiisa ee Green Party, isagoona noqday shaqsigii ugu da’da yaraa ee Xisbigaan ka tirsan ee loo doortey Jagadaan. Sidoo kale, wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah ee xilkaan loo magacaabo.

Majid oo wadanka Ingiriiska ku yimid Qaxootinimo ayaa waxaa qoyskiisa ay kasoo baxeen xero barakac oo ku taalo dalka Itoobiya, ka hor inta aysan kasoo bixi magaalada Burco markaasoo uu ahaa 5-sano jir, wuxuuna waqti xaadirkaan uu yahay 28-sano jir.

Isagoo ka hadlayey madashii lagu caleemo-saarey isbuucaan ayaa wuxuu sheegay Majid uu ku farax-san yahay xilkaan cusub oo uu qabtay, wuxuuna balanqaaday inuu ugeedi doono guud ahaan Shacabka ku nool Magaalada uu Duqa ka noqday.

Geesta kale, Kaltumo Cusmaan oo ku magac dheer Kaltuum Baande ayaa waxay iyadana ay isla degmadaan ka noqotay Xilldhibaan Golaha Deegaanka ah, iyadoona noqoneysa Haweeneydii ugu horeysay ee Jagadaan ku guuleysatay.

Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxay si diiran usoo dhaweeyeen xilalkaan cusub ay qabteen labadaan shaqsi waxayna kula dar-darmeen inay si gaar ah isha ugu qabtaan dhibaatooyinka haysatay Bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Soomaalida xilalka ka qabanaya dalalka caalamka ayaa waxay noqonayeen mudooyinka dambe kuwa isa sootaraya, taasoo muujineysa in Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa meel walba oo ay tagaan saameyn bulsho, dhaqaale iyo mid hogaamineed ku yeesha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM