Ra’isal Wasaarihii Spain oo xilka laga qaaday

Image

Barlamanka waddanka Spain ayaa kalsoonidii kala noqday Ra’isal Wasaarihii dalkaas Mariano Rajoy kaasoo muddooyinkii dambe lagu eedeynayay musuqmaasuq iyo wax isdabamarin.

180 kamid ah golaha shacabka dalkaas ayaa ka codeeyay Rojoy, halka 169 mudane u codeeyeen Ra’isal Wasaaraha kalsoonida laga qaaday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, codayn dhacday maanta oo Jimce ah.

Barlamanka dalka Spain ayaa Ra’isal Wasaare u doortay Pedro Sanchez kaasoo sheegay inuu xilka sii hayn doono inta laga gaarayo Doorasho waddankaas ee la qorsheeyay 2020-ka.

Tallaabadan ayaa timid xilli waddanka Spain ay muddooyinkii dambe ka taagnayd xiisadda siyaasadeed taasoo cirka isku shareertay markii Gobolka Catalan uu ku dhawaaqay gooni isu taag.

Mariano, ayaa cadaadis badan sameeyay si gobolkaas uga mid ahaado dalka Spain. 

Waa dalkii 2aad oo kamid ah waddamada Midowga Yurub kuwaasoo faraha la gala qalalaaso siyaasadeed, waxaana xasarad tan lamid ah horay uga taagnayd waddanka Talyaaniga kaasoo ilaa hadda aan la dhisin xukuumadda wixii ka dambeeyay doorashadii dhacday bishii March.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM