Saddex toogasho wadareed oo asbuucan gilgilay Mareykanka
WASHINGTON, USA - Maamulka South Carolina ayaa sheegay in ay baarayaan toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taal degmada Hampton subaxnimadii hore ee Axadda taasoo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan sagaal qof.
Toogashadan ayaa ahayd tii saddexaad ee ka dhacda gudaha Mareykanka intii lagu guda jiray isbuuca fasaxa ee loo yaqaanno Easter Holiday. Saddexda toogasho ee ka kala dhacay gobollada South Carolina iyo Pittsburgh ee Pennsylvania, ayaa waxaa ku dhintay laba carruur ah oo aan qaan-gaarin, ugu yaraan 31 qofna way ku dhaawacmeen.
Waaxda Dhaqangelinta Sharciga ee Gobolka South Carolina oo baaraysa dhacdadan ayaa fariin ay soo dirtay ku sheegtay in aysan jirin wax dhimasho ah oo laga soo wariyay toogashadii hore ee ka dhacday degmada Hampton. Illaa hadda wax war ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay ayaa lagu sheegay fariinta. Degmadan ayaa qiyaastii 129 kiiloomitir (80 mayl) galbeedka ka xigta Charleston.
Dhanka kale, Pittsburgh, laba caruur ah ayaa lagu dilay, ugu yaraan sideed qofna waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday guri ay ka socotay xaflad. Toogashada oo daba socotay gacan ka hadal, ayaa dhacday abbaare 12:30 saqdii dhexe ee habeenimo, intii lagu guda jiray xaflad mudo gaaban ka socotay guri kiro ah, halkaas oo boqolaal qof ay isugu yimaadeen, sida uu sheegay Scott Schubert oo ka tirsan waaxda booliiska Pittsburgh.
Toogashadan oo dhacday Axadii ayaa ku soo beegantay hal maalin un ka dib markii ay rasaas ka dhacday suuq mashquul badan oo ku yaala caasimada gobolka South Carolina ee dalka Colombia, meel qiyaastii 145 KM dhanka waqooyi ka xigta goobta lagu caweeyo ee habeenkii Axada ay toogashadu ka dhacday.
Sagaal qof ayaa la toogtay shan qofna waa la dhaawacay iyagoo isku dayaya inay ka baxsadaan goobta oo ku taala Xarunta Columbiana. Dhibanayaasha ayaa waxaa la sheegay in da’doodu u dhexeysay 15 ilaa 73 jir.
Waaxda booliiska Columbia ayaa ku dhawaaqday in la xiray Jewayne M. Price oo 22 jir ah, kaas oo ka mid ahaa saddex qof oo markii hore ay ciidamada ammaanku xireen iyagoo ku tuhmayey toogashada suuqa.
M. Price oo lagu eedeeyay in uu watay bistoolad aan sharciyeysneen ayaa la qorsheynayaa in la horgeeyo maxkamadda waxaana la ogeyn in M. Price uu leeyahay qareen u doodi kara.
Booliisku waxay sheegeen in dhibbanaha 73-jirka ah wali gargaar qaas ah u baahan yahay isaga oo sii wado qaadashada dawooyin balse kuwa kale ee ay waxyeelada soo gaartay ayaa intooda badan laga bixiyey isbitaaladda maxalliga ah.
Saddexda toogasho wadareedyada ee todobaadka fasaxa Easter-ka ayaa waxaa dheer toogasho kale oo dhacday maalmihii la soo dhaafay. Todobaadki hore ayaa nin hubeysan uu rasaas ku furay tareen dhulka hoostiisa mara ee magaalada New York, waxaana ku dhaawacmay 10 qof, waxaana maalintii xigtay loo xiray dhacdadan qof looga shakisan yahay in uu geystay falkaas.
Is-rasaaseyn burcad hubeysan ku dhex martay baar lagu caweeyo oo ku yaala magaalada Sacramento ee gobolka California ayay boolisku sheegeen in ay ku dhinteen 6 qof, 12 kalana lagu dhaawacay.
GAROWE ONLINE