Sarkaal Ruush ah oo lagu lagu dilay qarax ka dhacay Mali

Image
Mali waxay la halgamaysaa sidii ay u joojin lahayd kooxaha rabshadaha wata ee xidhiidhka la leh al-Qaacida iyo ISIL.

BOMAKO, Mali - Muwaadin u dhashay dalka Ruushka oo la howlgala askarta Mali ayaa lagu dilay qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay, gobolka Saaxil, iyadoo tani ay noqoneyso dhimashadii ugu horeysay ee la xaqiijiyay oo ka dhacday dalka Maali oo si rasmi ah loogu sifeeyay macalimiin militari oo Ruush ah.

Sida lagu sheegay dukumeenti ciidan oo ay aragtay AFP, cutub ka tirsan ciidamada Mali oo uu weheliyo "la-taliye Ruush ah" ayaa ku dhuftay walxaha qarxa meel u dhow magaalada Hombori Talaadadii.

Lataliyaha Ruushka ah ayaa dhintay kadib markii diyaarad loogu qaaday magaalada Sevare ee bartamaha dalka Maali, sida lagu sheegay qoraalka ciidamada Mali.

Sarkaal ka tirsan Isbitaal ku yaalla magaalada Sevare oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa xaqiijiyay geerida ninkan Ruushka u dhashay oo da’diisa lagu sheegay 30-sano jir. Sarkaal laga soo doortay bartamaha Mali, oo sidoo kale codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in uu "wax ka bartay dhimashada wakiilka Wagner Group".

Mali waxay la halgamaysaa sidii ay u joojin lahayd kooxaha rabshadaha wata ee xidhiidhka la leh al-Qaacida iyo ISIL (ISIS) kuwaas oo xoogaystay oo kordhiyey weerarada tobankii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ku fiday koonfurta iyo dalalka xuduudka la leh gobolka Galbeedka Afrika ee Sahel.

Maraykanka, Faransiiska iyo kuwa kale, ayaa sheegay in macalimiin Ruush ah oo jooga Mali ay yihiin hawl-wadeenno ka socda shirkadda amniga gaarka ah ee Ruushka ee Wagner.

Dowladda Mali oo ay u badan yihiin ciidamada dalkaasi oo afgambi kula wareegay sanadii 2020-kii, ayaa beenisay sheegashada ah in Wagner uu ka howlgalo dalkaasi, saaxiibtinimada militariga Mali ay la leedahay Ruushka ayaa kordhisay khilaafka kala dhaxeeya Faransiiska, oo ah xulafo dhaqameed.

Faransiiska oo faragelin ku sameeyay dalka Mali sanadkii 2013-kii, ayaa bishii February go’aansaday in uu ciidamadiisa kala baxo dalkaasi, ka dib markii uu muddo toban sano ah dagaal kula jiray fallaagada.

Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegtay inay "aad uga walaacsan tahay" in Mali aysan u ogolaan baarayaasha madax-banaan inay booqdaan magaalo ay ciidamada maxalliga ah iyo dagaalyahannada Ruushka looga shakisan yahay ay ku eedeeyeen inay dileen boqolaal rayid ah.

Ugu yaraan 300 oo ruux ayaa la rumeysan yahay in si kooban loo toogtay intii lagu guda jiray weerarkii March 27-31 lagu qaaday Moura, oo ah magaalo ay ku nool yihiin ilaa 10,000 oo qof, taasoo la sheegay in ay gudaha u galeen dagaalyahano hubeysan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Human Rights Watch.

Dadkii ka badbaaday howlgalkan milateri ayaa sheegay in calooshood u shaqeystayaal caddaan ah oo looga shakisan yahay Ruushka inay ka qeybqaateen xasuuqa dhaliyay buuqa caalamiga ah, waxayna taasi keentay in QM ay furto baaritaan.

"Waxaan aad uga walaacsanahay in maamulka Mali aysan wali u ogolaan baarayaasha Qaramada Midoobay inay galaangal u yeeshaan," afhayeenka Qaramada Midoobay Seif Magango ayaa bayaan ku yiri.

"Waqtigu waa muhiim si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo cadaaladda degdega ah ee dhibanayaasha," ayuu raaciyay.

Magango ayaa sheegay in ilo-wareedyo aan la xaqiijin ay soo jeedinayaan in tirada dhimashada weerarkii Moura ay gaari karto ilaa 500, oo u badan rayid.

Askarta ayaa sidoo kale la sheegay inay kufsadeen, bililiqeysteen oo ay xidh-xidheen tiro dad ah oo Moura ah, ayaa lagu yidhi bayaanka Qaramada Midoobay.

Militariga Mali ayaa beeniyay eedeymaha xasuuqa ah, iyagoo sheegay inay fuliyeen howlgal xirfadeysan oo lagu weeraray mucaaradka Moura, wuxuuna sheegay inay sameyn doonaan qiimeyntooda.

Labada Maali iyo Ruushka ayaa sidoo kale horay u sheegay in Ruushka ka howlgala dalkaas aysan ahayn calooshood u shaqeystayaal, balse ay yihiin tababarayaal ka caawiya ciidamada maxalliga ah qalabka ay ka soo iibsadeen Ruushka. Dowladda Ruushka ayaa sidoo kale beenisay inay xiriir la leedahay kooxda Wagner.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM