Wariye loo xiray "warar uu ka faafiyey" dhul-gariirka dalka Turkiga

Image
Mir Ali Koçer ayaa joogay meel 200 mayl u jira xudunta dhexe musiibada markii Turkiga uu ku dhuftay dhulgariirka.

ANKARA, Turkey - Wariyaha madaxa banaan ee Mir Ali Koçer ayaa joogay meel 200 mayl u jira xudunta dhexe markii Turkiga uu ku dhuftay dhulgariir dad badan ay ku dhinteen 6-dii Febraayo.

Isagoo kamaradkiisii ​​iyo makarafoonkiisa qabsaday, Koçer ayaa u jiheystay gobolka ay dhibaatadu ka dhacday si uu u wareysto kuwa badbaaday una soo tabiyo xaqiiqooyinka jira.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku wadaagay sheekooyin ku saabsan badbaado iyo samatabbixiye, waxaana hadda lagu wadaa baaritaan lagu tuhmayo in uu faafiyay "warar been abuur ah" waxaana uu muteysan karaa ilaa saddex sano oo xarig ah.

Waa mid ka mid ah ugu yaraan afar wariye oo lagu baarayo inay soo tebiyeen ama wax ka sheegeen dhulgariirka. Kooxaha u dooda xoriyada saxafada ayaa sheegay in tobanaan kale la xiray, la dhibaateeyay ama laga hor istaagay in ay war bixiyaan.

Ugu yaraan 50,000 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirrada ku dhuftay labada dal ee Turkiga iyo Suuriya. Mas'uuliyiinta waddanka Turkiga ayaan ka hadlin xarigaasi.

Xariga dadkan ayaa yimid kadib markii agaasimaha isgaarsiinta madaxtooyada Turkiga uu ka digay "war been abuur ah" oo khatar gelinaya dadaallada samata bixinta.

Agaasinka ayaa sidoo kale soo saaray app-ka casriga ah ee loo yaqaan "Adeegga Warbixinta Faafinta" oo dadka ku dhiirigelinaya inay soo sheegaan qoraallada wax-ku-oolka ah ee ku saabsan dhulgariirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM