Xuutiyiinta Yemen oo balanqaad naadir ah u sameeyay UN-ka
SANCA Yemen – Xuutiyiinta Yemen ayaa balanqaaday inay ka takhalusaan askartooda carruurta ah, kuwaas oo kumannaan ka mid ah ay adeegsadeen toddobadii sano ee dagaalka sokeeye ee dalkaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Xuutiyiinta ayaa saxeexay waxa ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay “qorshe hawleed” oo lagaga hortagayo askaraynta ama u adeegsiga carruurta iskahorimaadyada hubaysan, dilka ama naafaynta carruurta iyo weerarrada dugsiyada iyo isbitaallada.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa sheegay in fallaagada ay ka go'an tahay inay aqoonsadaan carruurta safkooda ah ayna sii daayaan lix bilood gudahood.
Mid ka mid ah dublamaasiyiinta sare ee Xuutiyiinta, Abdul Eluh Hajar, ayaa saxiixay heshiiska. Wakiilo ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta iyo mas’uuliyiinta Xuutiyiinta ayaa ka soo muuqday sawirro wadajir ah oo warbaahinta heshay ka dib heshiiska oo lagu saxiixay caasimadda Yemen ee Sanca. Xuuthiyiinta ayaa ku tilmaamay qorshahaan mid lagu ilaalinayo carruurta.
Dowladda Yemen ee caalamiga ah ee la aqoonsan yahay, oo ka shaqeysa musaafuris, ayaa ballan-qaadyo la mid ah sameysay dukumeentiyo dhowr ah oo la saxiixay tan iyo 2014, sida ay sheegtay qaramada Midoobay.
Virginia Gamba, oo ah sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee eegaya carruurta ku sugan aagagga dagaalka, ayaa ugu yeertay tallaabada Xuutiyiinta "tallaabo wanaagsan oo dhiirigelin leh", laakiin waxay xustay in "qaybta ugu adag ee safarka ay hadda bilaabaneyso".
"Qorshaha wax-qabadka waa in si buuxda loo hirgeliyaa oo uu horseedaa waxqabadyo la taaban karo oo lagu horumarinayo ilaalinta carruurta Yemen," Gamba, oo ku saxiixday New York si uu marqaati uga noqdo ballanqaadka Xuutiyiinta, ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 3,500 oo caruur ah la xaqiijiyay in la askareeyay oo la geeyay dagaalka sokeeye ee Yemen. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Xuutiyiinta ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press sannadkii 2018-kii in kooxdu ay ciidamadooda ku biiriyeen 18,000 oo carruur ah xilligaasi, carruur hore oo askar ah ayaa u sheegay iskaashatooyinka wararka in wiilasha da'doodu ka yar tahay 10 sano la qoray.
Waqtigaas, afhayeen u hadlay militariga Xuuthiyiinta ayaa diiday in si nidaamsan loo askareeyo dadka da'doodu ka yar tahay 18 jir, wuxuuna sheegay inay jireen amarro lagu diidayo carruurta isku dayay inay ku biiraan.
In ka badan 10,200 oo caruur ah ayaa lagu dilay ama lagu naafeeyay dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Ma cadda inta laga yaabo inay ahaayeen dagaalyahanno.
Dagaalka sokeeye ee Yemen ayaa qarxay 2014-kii markii Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto ay qabsadeen Sanca oo ay dowladda ku qasbeen inay musaafuriyaan. Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta ayaa dagaalka soo galay horaantii 2015-kii si ay isugu dayaan in ay dib ugu soo celiyaan awoodda dowladda.
GAROWE ONLINE