Cameroon: Laba wariye oo la dilay labo todobaad gudahood

Image
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay badqabka saxafiyiinta ku sugan dalka.

NAIROBI, Kenya - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay badqabka saxafiyiinta ku sugan dalka Cameroon kadib dilkii weriyihii labaad ee loogu toogtey dalkaasi labo asbuuc gudahood.

Saxafi ka shaqeeya Raadiye maxali ah, Jean-Jacques Ola Bebe, ayaa maydkiisa laga helay 2-dii February meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Mimboman ee caasimadda Yaoundé, oo sida muuqata waxaa toogteen kooxo aan la garanayn, sida uu bayaan uu soo saaray afhayeenka Qaramada Midoobay Seif Magango ku sheegay Salaasadii.

Dilka wariyahan ayaa dhacay 11 maalmood ka dib markii meydka saxafi kale, Mbani Zogo Arsène Salomon - oo loo yaqaan Martinez Zogo - ayaa laga helay duleedka magaalada caasimadda ah.

Bebe iyo Zogo ayaa caan ku ahaa tabinta barnaamijyo ka baxa idaacado maxali ah waxaana ay diiradda saari jireen sheekooyinka ku saabsan musuqmaasuqa iyo xatooyadda xoolaha dadweynaha.

Dhowr qof oo uu ku jiro ganacsade caan ah ayaa loo xiray ku lug lahaanshiyaha afduubkii iyo dilkii arxan darada ahaa ee ka dambeeyay ee Zogo. Xarigga ayaa daba socday baaritaan uu amray madaxweyne Paul Biya oo dalkaas xukumayay tan iyo 1982-kii.

Dilka labada wariye ayaa qeyb ka ah weeraradda lagu hayo saxafiyiinta ka howlgala dalka oo leh muuqaalo warbaahineed oo aad u kobcaya, balse ay dhibaato ka haysato dhanka badqabka warfidiyeenadda.

Cameroon ayaa mid ka mid ah xabsiyada ugu xun Afrika ee suxufiyiinta, sida laga soo xigtay Guddiga Ilaalinta Saxafiyiinta, waana mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan qaaradda ee saxafiyiinta inay ka shaqeeyaan.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan saddex wariye oo kale oo dalka ku sugan ayaa soo sheegay in bishii hore ay heleen hanjabaado la rumeysan karo oo uga yimid dad aan la aqoonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM